Mexico Oo Daroogo Iibiyahii El Chapo U Gacan Galinaysa Maraykanka

Mexico(Slpost)-Dowladda Mexico ayaa bilaabeysa hannaan ay Mareykanka ugu gacan-gelineyso ninka daroogada ka ganacsada ee Joaquin Guzman (El Chapo).

El Chapo ayaa dib loo qabtay Jimcihii ka dib markii asaga oo adeegsanaya god uu qotay ka baxsaday xabsi Mexico ku yaalla oo aad loo ilaaliyo lix bilood ka hor.

El Chapo ayaa hadda lagu hayaa xabsigii uu ka baxsaday bishii July, balse waxaa suuragal ah in aanu muddo badan kusii jiri doonin.

150712110833_joaquin_el_chapo_guzman_512x288_ap_nocredit

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Mexico ayaa sheegay in hadda uu bilaabay hannaanka ninkaasi loogu wareejinayo gacanta dowladda Mareykanka.

Arrintaasi ayaa la xidhiidhda laba codsi oo uu Mareykanka sameeyay sanadkii lasoo dhaafay, kuwaasi oo ay dowladda Mexico ansixisay maadaama uu jiro iskaashi ay labada dal ka leeyihiin is-dhaafsiga dadka ay doonayaan.

Lama shaacin waqtiga la wareejinayo El Chapo, balse khubarada ayaa sheegaya inuu hannaanka qaadan karo bilooyin.

Mareykanka ayaa doonaya in El Chapo uu ka ogaado xog ku saabsan ganacsigiisa daroogada iyo saraakiisha Mexico ee uu xiriirka la leeyahay ama uu lacagaha siiyo. Qareennada u doodaya El Chapo ayaa racfaan ka qaadan kara go’aanka dowladda.