Meherkii I Cajab-geliyey! – Qalinkii Mustafe-Jannaale

JanaaleWay igu cusbayd, waan jeclaysanayey goobta oo waan ku niyadsama,waayo waxa maskaxdayda ku soo noq-noqonayey Alla ka Cabsi xad-dhaafa, Waxay ahayd arrin ku cusub xafladaha la qabto, dadka baddankoodu way ku niyad samaayeen, maxaa yeelay goobtu waxay ahayd goob Cibaado, dadka baddankoodu waxa ka muuqatay Sujuud iyo nuurka Salaada,waxaana intaas u sii dheera farxad iyo qalbi sami,markaad u eegtid Salaanta musoodka wadatay ee ay isku qaabilayeen.

Dhamaan Dadku waxay ahaayeen kuwo midba midka kale ixtiraamayey sida ay Diinta Islaamku dhigayso, goobtu waxay ahayd madal bilaa buuq iyo bilaa shanqadh ah, qofkasta waxa uu ilaalinayey nidaamka iyo xaqa uu ku leeyahay walaalkiisa kale sida ay Diinteenu dhigayso.

Waxa madasha ka soo xaadirey Ganacsato,Salaadiin, Oday dhaqameed, dhalinyaro, iyo marti sharaf kale, kuwaas oo laba saf oo iska soo horjeeda u fadhiyey, waxayna ahayd Meher qaaliya oo lagu ibro-furey Goob Cibaado oo ahayd Masaajid-ka RUSHEEYE,waxa intaas dheera oo madasha ugu cajiibsanaa oo dadku jecleysanayeen hadyadihii qaaligaa ahaa ee dhamaan dadkii ka soo qaybgalay Meherkaasi lagu maamusay, taas oo ahayd Kutubka Quraanka Kariimka ah ee Sodonka Jis, oo ay wehelinaysay Kutubka yar ee ducooyinka ee Xusni Muslimka.

Maxa Ku Cusuba Meherkan.

Baddana sida caadada ah Meherada la isku meherinayo ubax cusub oo dhalinyaro ah ayaa sida caada ah odayaasha iyo Salaadiinta labada dhinac ka kala socda ee qaarna inanka inanta u doonayaan, halka kuwa kalena ay inanta bixinayaan ayaa goobtaas lagu kaftamaa, balse meherkani wuxuu kaga duwana meheradaas kale laguma kaftamin, waayo goobtu waxay ahayd goob Cibaado oo Masaajida.

“Waa meherkii igu horeeyey ee noocisa ah ee aan ka qeybgalo ee Masaajid lagu qabto, sidii caadada ahayd kaftankii iyo haasaawihii midna maanta ma jiro, qoyskana waxa laysugu meheriyey Goob Cibaado oo khayriya,waxaaban odhan karnaa haddii qoysaska marka la aasaasayo goobtan oo kale la isugu meheriyo is-mabay fureyn”.Sidaa waxa yidhi Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa waxa uu ugu baaqay dhalinyarada guurdoonka inay Masaajidada isku mehersadaan, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan ugu baaqaya dhalinyarada guurdoonka inay meherkooda Masaajidada ku sameystaan, waayo haddii Meherka lagu sameeyo Masaajid reerkaas wax dhibaato ah oo ka hor-imanaaya ma jirto, oo waa khayr khayr ku sug”.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mida culimada waa weyn ee Somaliland ayaa waxa uu Masaajidkan RUSHEEYE isugu meheriyey Xasan Yuusuf Cabdilaahi (Xasan Ciir) Iyo Nimco Maxamed Jaamac maalintay taariikhdu ahayd 29/4/2014,isaga oo weliba Sheekhu ugu duceeyey qoyskan dhalinyarta ah ee uu isu meheriyey Duco.

Hadaba, u-jeedadda aan ugu soo gudbiyey akhristayaasha qoralkan kooban ayaa waxay tahay inaan laba arrimood oo kala ah:

1. Inaan xusuus ahaan idin dareensiiyo gaar ahaan Waalidka iyo Dhalinyarada reer Somaliland inay aad muhiim u tahay dhaqan ahaan inaynu dhiiri-gelino Meheradda iyo Guurka marka aynu qoyska cusub dhiseyno in lagu qabto Guriga ILAAHAY Masaajidka,kaasi oo kor-u-qaadaya dhaqanka fiican iyo inay dhalinyaradu noqdaan kuwo ku xidhnaada Hooyga ILAAHAY xili-kasta.

2. Qodabka labad ee Meherkan igu kelifay inaan warbixintan ka diyaariyo waxay tahay si looga fogaado in yagleelka guriga cusub lagu soo dhaweeyo Muusik, qoob ka ciyaar iyo ficilo aanu ILAAHAY raali ka ahayn ama ka cadheysiisa iyo weliba inaynu dhalinyarada ku dhiiri-galino inay ka guuraan habkan dhibta baddani ka soo gaadheyso labada qoys-ba haba u sii badnaato qoyska inanta ee xaflada meherka marti-galiyey,kuwaasi oo dhaliyaro faro-baddani ay rabshado ugu daraan culeyskii marka hore-ba ka soo gaadhay qaban-qaabada iyo isku dubaridka hawsha taasi oo xurmo darro iyo bilaa ixtiraam ku noqota Qoyskaasi taasi oo naxdin iyo fool-xumo ku bedesha farxadii iyo mashxaradii xafladda.

Haddaba, waa muhiim inaad ka feejignaato halka iyo sida aad u qabsanayso Meherkaaga iyadoo aad maanka ku hayso in cidda qudha ee ugu muddan inaad raali-galiso ay tahay ILAAHAY koreeye ku abuuray.

Mustafe-Jannaale

Email: janaale94@gmail.com