“MEEL AAR KA KACAY AARAN FADHFADHIISEY” – W/Q: Warsame Ducaale

Waxa xusid mudan marka arimaha hada taagan oo kale dhacaan, sida kala duwan ee uu u  maamulijirey Marxuun Cigaal (IHUN) iyo sida uu u maamulayo ama u maamulo Ninka maanta u dhoofey Jabuuti (Siilaanyo), oo qabanaysa xus loogu dabaaldegayo Qoritaankii Afka Soomaaliga, iyo sida uu u xaliyo arimaha la soo darsa ama sida uu DALKIIBA KOOTO UUGU XIDHEY REERKIISA OO KALIYA. Xataa ninkii uu mudada dheer Wasiirka u ahaa ee AFWEYNE uuma dhaqmijirin sida Siilaanyo u dhaqmo, AFWEYNANA WAA NINKII UU SIILAANYO ka soo dhaxley casharada uu wax ku maamulo maanta!!! ‘

Taariikhda dib u raaca CARO MAREEXAAN meel ka liidatey dhulkii la isku odhan jirey Soomaaliya miyey jirtey? Majeerteen, Ogaadeen iyo Dhulbahante, marka la barbar dhigo MAREEXAAN hadii Illaahay laga baqayo, miyaaney sadexduba ka badsan MAREEXAAN MAAMULKII AFWEYNE?

Cajiib; waxaan weeydiinayaa dadweynaha Somaliland, iyamaa mudan in uu Siilaanyo ku mashquulo, XALINTA DHIBTA KA JIRTA DALKA UU SHEEGANAYO INUU U YAHAY MADAXWEYNE IYO AFSOOMAALIGA QORISTIISA JABUUTI U QABANEYSO XUSKA? Ruwaayad bey ku jirtay “OO MAXAA IIGA GIDHIISHA”, Siilaanyo Maxaa kaaga gidhiisha, shirka Ina Cumar Geele u qabanayo qoristii Afka Soomaaliga? Waxaan filayaa waxa iskaga khaldan Siilaanyo masuuliyada saaran iyo waajibaadka kaga aadan xalinta arimaha hada taagan oo kale. Laakiin layaabimaayo oo Siilaanyo, waa ninkii horeba looga waayey hadal lidi ku ah dagaalkii Burco. Aamuskaas oo loo wada macneeyey, inuu raali ka ahaa dagaalkii Burco, oo weliba loo aaneeyo inuu daaha dabadiisa GAASTA IYO KABRIIDKA ka soo qeybinayey.

Waxa Buuga IPR ee XUSUUS QORKII GEES iyo Marxuun Cigaal (IHUN) ku qoran, in uu Marxuun Cigaal (IHUN) dhaqaalaha dalka u qeybin jirey 3 meelood, meel ahaan ka mid ahna uu kaga shaqeyn jirey nabada. Tusaale; marka gacan ku dhiigle, uu xaqdaro ugu dilo nin kale, waxa uu Marxuun Cigaal (IHUN) u dhiibijirey magtii ninkii la diley, reerkiisa oo uu odhan jirey ordoo magtii soo bixiyey waala idin sugayaaye. Qolada wax laga dileyna waxa uu siisiinjirey samirsiis, waxaanu u sheegi jirey in uu la hadlay reerkii ninka gacan ku dhiigluhu ahaa, waxaanay noo sheegeen in ay idiin imanayaan, magtiina ay diyaar la yihiin. Cigaal (IHUN) wuxuu diidanaa in aargoosi dhaco, markaa arinta wuu qaboojin jirey, si nabadu aanay faraha uuga bixin.

Waxa kale oo buuga XUSUUS QORKII GEES ku jirta in uu Marxuun Cigaal (IHUN), inuu ka fogaan jirey  reerka uu ka soo jeedo. Tusaalena waxa kuugu filan in uu tiraba laba wasiir ku yidhi ka ERYA SHAQADA nin Cigaal (IHUN) laba walaal ahi kala dhaleen oo ka shaqey jirey WASAARADA MAALIYADA. Waxa kale oo jirtey in niman Marxuun Cigaal (IHUN) ay isku reer yihiin Wasiirkii Kaluumeysiga oo wakhtigaa ahaa Dr. Gees, in ay uula yimaadeen qorshe lagu dhisayo Warshed Kaluun oo Berbera laga sameeye. Dr. Gees wuu ka yeeley arintii, laakiin markii uu Marxuun Cigaal (IHUN) ku wargeliyay qorshahaas wuu ka diiday Marxuun Cigaal (IHUN), isaga oo weliba u sheegay Wasiir Dr. Gees, in Somaliland leedahay hal WARSHAD oo KALUUMEYSIGA AH, taas oo ah WARSHADA KALUUMEYSIGA ee LAASQOREY, SANAAG.

Marxuun Cigaal (IHUN) mar uu ka hadlayey rabshado ka dhacay Somaliland isaga oo BBC da wareysi ay la lahayd wax lagaga weydiiyey Rabshadahaas; Marxuun Cigaal (IHUN) waxa uu kaga jawaabey in maamulkiisa siyaasada uga taala marka arimaha noocaas oo kale dhacaan iney tahay; “MASLAXAAD, SUUBA SALAAX, QANCIN, iwm.”, laakiin sida uu u sheegay BBC da  inaan “MAQUUNIN, CAGOJUGLEYN, AWOOD SHEEGASHO, iwm” oo la isticmaalo inaanu XAL U ARKEYNIN.

Wax weli ku jirta Berberanews.com maalintii daadadku soo saareen dadkii lagu XASUUQEY HARGEYSA ee dooxa lagu aasay. Marxuun Cigaal (IHUN) ha u naxariistee markuu dadka dejineyey (Siilaanyo wuu daba taagnaa isaga oo Wasiir u ahaa Marxuun Cigaal (IHUN)), waxa erayadiisii ka mid ahaa dadkan aad u ooyeysaan meel ka fiican halkan ayey tageen, waayo gacan xaqdaro ayaa dishey. Su’aalaha uu dadweynaha weydiiyey waxaa ka mid aheyd, bal aad u AARGOYSAANE yaad ka aargoosanaysaan? Kuwii maamulka ku jirey baa halkan inala wada jooga (Macnaa ma iyagaad ka bilaabaysaan, mise qabiil gaara ayaad ka aargoosaneysaan)?

Idinka oo aan wax kale ba SIILAANYO aan MIISAANKA ku saarin, ka qiyaas qaata arinta hada taagan iyo sida uu u maamulayo. SADBURSIGA dhaqaale ee reerkiisa uu ku koobay hantidii dalka, iyo wixii mashruuc ah ee soo kordha oo uu xaafadiisa oo kaliya ku siiyo CONTRACT.

Waad wada ogeydeen Warshadii SIBIDHKA oo uu siiyey DAHABSHIIL oo kaliya markii hore, markii laga qeyliyeyna uu ku soo daray DAHABSHIIL dhowr qof oo kale. Maxjarkii Xoolaha oo uu siiyey INDHADEERO. Hada wax uu siiyey WARSHAD LABAAD OO SIBIDHKA AH INA XARBI, taas oo laga wado meel Berbera u jirta 20 Mile qiyaastii. Waxa isweydiin mudan; xataa mala isweydiinayaa wadanku maqaadi karaa laba Warshadood oo SIBIDHA? Maxaa dhibaato ee ka imaan kara? Tii hore oo aan la kicin, waa maxay sababta mid labaad loogu siiyey ninka ay isna isku haybta yihiin, oo ka mid ah dadkii dhaqaalaha ku bixiyey si uu Siilaanyo u soo baxo doorashadii hore? Halkee lagu bid gareeyey? Yaa kale oo ka soo qeyb galey markii la bixinayey?

Waa maxay sababta Ina XARBI, DAHABSHIIL, iyo INDHADEERO ay u noqdeen kuwa ku guuleysta wax kasta oo ay dawladu bixineyso? Mee ninkii Aadan Madoobe ee la siiyey dhismihii la lahaa waxa la dhisayaa madaarka Hargeysa iyo Madaarada kale ee dalka? Maxaa Mayerka Hargeysa Jiciir hada loogu yidhi wax iska dhoobdhoob, marka dhaqaalihii badnaa ee hore uu la baxsaday ninkii Siilaanyo ay Ilmaadeerka ahaayeen? Waa ayo cida la siiyey HAAMIHII SHIDAALKA ee Berbera? Cid kale lama siine, keebaa ku guuleystay Ina XARBI, DAHABSHIIL, INDHADEERO iyo Ilma ABUSITE? Tii Raashinka la xaday ee raga reerka ah iyo Madaxtooyada ku eekayd, dadka kalana danbiga beenta ah loogu xidhay, iyadu qormo gooniya bay kaligeed qaadanaysaa, sidaa daraadeed wakhtiga hada idin kaga lumin maayo tuugadii ku dhacday raashinkaas iyo cidii xaday ba. Mar kale ayaan iyada iyo tii ku dhacdey Mujaahid Boobe aan idiin soo gudbin doonaa.

Waxa aan u dhaafayaa jawaabaha su’aalahan dadka reer Somaliland. Waxaanan ku soo jarayaa qormadan; su’aalo kale iyo tallo ku socota Habar Jeclo. Waxa isweydiin mudan, Siilaanyo dhaxalka uu rabo inuu uuga tago reerkiisa muxuu yahay (Makii Macalinkiisii Afweyne oo kale ayuu noqon, mise kii macalinkiisii labaad, oo aad moode inuu Siilaanyo ku saaqidey casharadiisii, Marxuun Cigaal (IHUN)? Waayo mar ay noqotaba waxa hubaal ah inuu xilka ka degidoono.

Sadex siyood midkood buuna xilka kaga degayaa Siilaanyo. Koow; in uu dhadhamiyo dambarka caanaha hashan uu lisayo, oo XABAD lagaga soo saaro madaxtooyada (iyagu waxay odhan jireen dhanged baanu kaga soo saaraynaa Mudane Madaxweyne Riyaale oo durba la tabay). Laba; inuu xilka kolba kordhisto (Saleebaan Gaalna sidii Shirkii Gar’Adag uu uga soo noqdey wuxuu noqdey Muxaafid Weyn oo diyaar buu uula yahay inuu u kordhiyo) oo Wedkii Illaahay uu helo, waxaanu kaga tegidoonaa sumcad xumo iyo aakhiro oo uu meel xun ku danbeeyo. Sadex; Inuu dhameysto wakhtigiisa, oo waa hadii dalka doorasho ka dhacdee, uu yidhaa ma ihi musharax, KULMIYE na uu dhaxalkiisa ku wareejiyo ninka reerku isku raaceen inuu bedelo Siilaanyo (Ina KAAHIN, oo wax xil ah aan dalka ka heyn, laakiin daaha dabadiisa ka wada dhibaata Midiyo Tooriile Xirsi, uu ku shaqeeyo), oo musharaxa Kulmiye uu Ina Kaahin noqdo (Mana soo baxayo oo reerku wax nin danbe oo iyaga ah lagu doorto kalamey imanin Shirkii Gar’Adag).

Waxaanan ku gunaanadi; HABAR JECLO ha isdaba qabato, oo khaladaadka ay galayaan wiilashooda iyo odayaashoodu inta goori goor tahay ha saxaan (Dalka Iyo Dadkaga danbaa uugu jirta hadii ay sidaa yeelaan). Kama iibsameyso Habar Jeclo; Siilaanyo taageeradayada wuu ogolaa, laakiin taladayada ma ogola. Horaa loo yidhi “WALAALKAA LABA GOORBA U HIILI; MARKA UU GARDARAN YAHAY QABO, MARKA LAGA GARDARAN YAHAYNA WAX KA CELI”. Go’aan ka aad reer ahaan qaadataan baana; QARAN ka Somaliland uu marayaa. Ta kale ee banaana iyada halkan inaan ku soo bandhigo uuma baahna, oo dadka Somaliland bay u taal waxa ay ka yeelayaan iyo goorta ay jawaabtaas bixinayaanba. Waxa hore loo yidhi “Talada Adigaa Ku Nool Ee Iyadu Kuguma Noola”.  Ina Mooge na (IHUN) horuu u yidhi “Runta Beentu Woow Cadaweey, Xaqii Baadil Laga Raacayee, Baladana Ninbaa Dhigayoo, Beenta Waad Ka Sheekeeyneey”.

Wabilaahi Towfiiq;

Warsame Ducaale