Maydh Oo Laga Hirgaliyey Mishiinkii Labaad Ee Baraf Dhaliye Ah

MishiinMaydh, (SLpost)- Mishiinkii labaad ee Baraf-dhaliye ah ayaa shalay laga hirgeliyey Magaalo xeebeedda faca-weyn ee Maydh,Mishiinkan oo ay baahi weyn u qabeen dadweynaha iyo Kaluumaysatada Degmada Maydh kaasi oo ay mudooyinkii ugu danbeeyey ku hawlanaayeen hirgalintiisa Maamulka Degmada Maydh ayaa maanta si rasmiya loogu rakibay Xarunta Degmada ee Maydh Mishiinkan oo maanta si rasmiya looga hirgalieyey Degmada Maydh ayaa Hawl wadeenadii wadi lahaa hawlaha shaqo ee Mashiinkan loo Tababaray siday ugu shaqayn lahaayeen mishiinka, Maayarka Degmada Maydh Prof: Huseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh oo ka hadlay xaalada guud ee Degmada iyo sidoo kale Mashaariicda horumarineed ee Sanadkan laga hirgaliyey iyo kuwa bilaha soo dhaw laga fulin doonaba waxa uu yidhi “ka Maamul ahaan intii aanu xilka Degmada haynay Maamuulkayagu wuxuu u ahaa Maamulkii horumarka iyo wax qabadka badnaa iyadoo isla markaasina laga hirgaliyey Degmada Mashaariic mugle oo ay ka mid yihiin laba Mishiin oo baraf dhaliye ah oo mid laga hirgaliyey jully 6 2014 iyo kan maanta 11/7/2015 laga hirgaliyey degmada sidoo kale waxa Degmada Maydh laga dhisay Fadhiisinka Ciidamada Badda ee Aaga Barri ,Dugsi Waxbarasho ,dhinaca Tababarada oo Kaluumaysatada Degmada loo qabtay tababaro kala duwan oo kor loogu qaadaayey xirfadooda iyo aqoontoodaba iyo sidoo kaleQalab isugu jira Mishiinada laashash, Talaagadaha yaryar ee ay barafka ku Qaadanayaan oo dhan 200 iyo qalabka kaluumaysiga oo dhamays tiran oo kaluumaysatada degmada loo qaybiyay”

Dhinaca kale Maayar Huseen ayaa waxa uu ka waramay Mashaariic mugle oo dhawaan Degmada laga hirgalin doono kuwaasoo ay ugu weyn yihiin in dhawaan Maamulka Degmada Maydh ee uu hogaamiyaha u yahay ay dadaalo badan oo ay u galeen ku guulaysteen in Degmada laga dhiso Deked weyn taasi oo ay ku baxayso lacag ku dhaw 1.3 milyan dolar iyo Qaboojiye Kaluunka lagu kaydinaayo oo qaadaaya ilaa 50 kun oo tan oo ay maalgalinayso Sanduuqa Horumarin Somaliland (SDF) iyo sidoo kale in degmada laga hirgalin doono isla sanadkan Xarunta guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee Gobolka Sanaag iyo sidoo kale mashaariic kale oo iyana muhiima oo ay hada ku hawlan yihiin helistooda.Mishiin1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhinaca kale Bulshada ku nool magaalo xeebeeda Maydh ayaa loo Qaybiyay Barafkii uu Mishiinka Baraf dhaliyaha ahi soo saaray, iyadoo sanadkani uu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee aanay bulshada reer Maydh intoda badani ka soo hayaamin kana xagaa bixin Degmada Maydh , Mashaariic badan oo ku soo koroday awgeed kuwaas oo u saamaxaya in ay ku sii noolaan karaan xilliga xagaaga , oo ay ka mid yihiin , Laydhka Degmada Maydh oo Mamulku ku soo kordhiyey iyo Barafdhaliyayaashaas oo xiligan kulaylka ah u suurta galiyey in ay ka maarmaan in ay kulaylka ka xagaa baxaan, Sidoo kale Dadweynaha Degmada Maydh ayaa waxa ay been iyo waxba kama jiraan ku tilmaameen qoraalo dacaayad ah oo Warbaahinta lagu faafiyey, iyagoo islamarkaasi sheegay inay faafiyeen shaqsiyaad ka xun horumarka Degmada Maydh gaadhay, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka soo jeeda degaano degmada Maydh jaar la ah , oo aanay iyana ka madhnayn Siyaasado horumarka ka soo hor jeeda ,

Ugu danbayntiina qaar kamida waayeelka iyo wax-garadka Degmada Maydh ayaa waxa ay sheegeen in xaalada Degmadu hada marayso halkii ugu saraysay iyago isla markaasina sheegay inay xiligan xagaaga oo ay ka hayaami jireen degmada ay intii badnayd bulshadii Maydh sidoo sii caadiga ahayd ugu nool yihiin Degmada isla markaasina ay u wataan hawlahoodii Kaluumaysi isla markaasina Maamulka hada ee Degmadu yahay kii ugu wacnaa dhanka waxqabadka iyo hogaaminta Degmada