Maxkamadii Uu Amiin Yare I Saaray: W/Q Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Maxkamadii Uu Amiin Yare I Saaray.

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Goor habeenimo ayaan is idhi hudheel ka cashee waxaan arkay wiil yar oo gawaadhida maydha, si gaar ah ayuu ii soo jiitay muuqaalkiisu, waxaan dareemay in aan waligay aqaanay, in kastoo ay ahayd markii ugu horraysay ee aanu is aragno, dareen aanan garanayn magaca aan ugu yeedho ayaa igu kalifo in aan u yeedho wiilkaasi yar oo aan wada hadal la bilaabo, wada hadalkaayagu sidan ayuu u dhacay:

Aniga: Magacaa?

Amiin Yare: Amiin

Aniga: Maxaa kugu kalifay baabuurtan aad maydhisid?

Amiin Yare: Hooyaday ayaan u shaqeeyaa

Aniga: Aabo miyaanuu noolayn?

Amiin Yare: Aabahay wuu xanuusaday oo wuu dhintay

Aniga: Maxaad wax u baran wayday?

Amiin: hadhaw ayaan wax baran doonaa

Intaasi kooban ayaa wada hadal na dhex maray amiin yare, laakiin waan awoodi kari waayay in aan sii wado wada-hadalkiisa, oo ilmo aanan xajin kari waayay ayaa bilawday inay soo dhaadhacdo iyadoo aan wax ogolaansho ah I waydiisan, waxaanan go’aansaday in aanan wada hadalkaasi sii wadi karin, Amiin yare waxaan ku casuumay cashadaydii aniguna si deg deg ah ayaan halkaasi uga baxay.

Intii aan gaadhiga waday ayaan dareemay in wada hadalkii aniga iyo amiin yare uu wali socdo, waana kan wada-hadalkii maskaxdayda dhexdeeda nagu dhex maray aniga iyo amiin:

Amiin Yare: ha is moodin in aad iga wanaagsan tahay ama inay walaaladaa iyo caruurtaadu wax I dhaamaan.

Aniga: aniguna waan ku dhaamaa walaaladay iyo caruurtayduba way ku dhaamaan oo waxbarasho iyo mustaqbal ayay hiigsanayaan adiguna baabuurta uun ayaad maydhaa.

Amiin Yare: Su’aal aan ku waydiiyo, Miyaad adigu dooratay aabahaa iyo hooyadaa cida ay noqonayaan?

Aniga: Maya.

Amiin Yare: Maxaad I dhaami lahayd haddii ay adiga ku dhali lahaayeen aabahay iyo hooyaday iyagoo duruufta ay maanta ku nool yihiin ku jira, saw caruurnimadaadii maad waydeen oo noloshan qalifsan maad gali lahayn.

Aniga: Markaa ma Ilaahay (SWT) ayaad canaananaysaa? Ilayn Ilaahay ayaa kuu dooray waalidkaaga iyo duruuftoodu siday tahay?

Amiin Yare: Maya, Laakiin Ilaahay wuxuu dabaqado inooga dhigay si aynu isku caawino, maaha si uu dacal walba uu u sheegto guul aanuu lahayn.

Aniga: Hadda ma waxaad iska dhigaysaa qof aniga iga wanaagsan?

Amiin Yare: waxa hubaal ah in aanad adigu iga wanaagsanayn, laakiin waxa laga yaabaa in aan anigu kaa wanaagsanaan lahaa haddii aan heli lahaa jaaniska aad heshay.

Aniga: Sidee

Amiin Yare: Adigu maanta waxaad ka fikirtaa mushaharkaaga saddexda bilood ee soo socda, waxaanad haysataa kayd kugu filan ilaa afar bilood, laakiin anigu waxaan raadiyaa cashada aan maalintaasi ku cashayn lahaa, markaa intaas oo aduun ah ee aad isku gaynaysid waxa kuu dhaami lahaa adiga oo dadka kale ku caawiya.

Amiin Yare: Aniga oo da’daasi leeg oo itaalkaasi yar leh ayaan masruufaa hooyaday iyo xaafadayda oo dhan, adiguna adigoo intaas oo aqoon iyo lacag haysta hadana ma masruuftid xaafad qudha oo dan yar, markaa waa maxay qiimaha aad leedahay?

Amiin Yare: Anigu maalinta qiyaame Ilaahay ayaan kaa ashkataynayaa.

Aniga: oo maxaad igu ash-kataynaysaa?

Amiin Yare: waxaan odhanayaa Ilaahoow wuu I arkaayay iyadoo caruurnimadaydu baaba’ayso oo aan qaadaayay culays aan ilmo caruur ah qaadi karin wuuna igu daawaday adigoo gacanta u galiyay awoodii uu igu badbaadin lahaa.

Aniga: war malaa waxaad isku kaaya qaldaysaa aniga iyo madaxweynaha? Anigu wax xil ah oo aan kuu hayo iyo wax maal ah oo la iigu kaa dhiibay ma jirto.

Amiin Yare: Madaxweynaha arrinkiisa iska daa, oo isaga maxkamadayn gaar ah ayaa na dhex mari doonta, laakiin adigu waxaad igala bakhayshay arrin yar oo aad awoodaysay.

Aniga: waayahay waan ku caawin doonaa, laakiin I sug dhawr sannadood aan yara shaqaystee oo aan dhaqaale ahaan yara xoogaysto.

Amiin Yare: dhawr sanno ka dib caruurnimadaydu way khasaaraysaa oo tareenkii noloshu wuu I dhaafayaa.

Aniga: hadaan adiga ku caawiyo miyaanay jirin boqolaal kula mid ah oo dalka ku filiqsan oo kula xaalad ah?

Amiin Yare: haa way jiraan, laakiin taasi waa xeelad shaydaan oo kaa joojinaysa in aad qabatid inta yar ee aad awoodid.

Aniga: Amiin yaroow, runtii waad iga gar heshay.

Ilaahay ayuumbaa ogaa habeenkaasi raadka uu igu reebay inta uu leekaa sababtoo ah waxaan is arkay aniga oo halka Amiin Yare  ku jira oo raadin lahaa cid I caawisa si aan wax u barto, waxayna igu kaliftay in aan gaadho go’aan ka duwan wixii aan hore ugu fakiri jiray.

Nuxurka iyo macaanka noloshu waxay tahay inaad qayrkaa wax tartid, iyadoo uu Rasuulkeenu (CSW) uu yidhi (Dadka waxa ugu wanaagsan ka dadka kale ugu manfaca badan).

Ilaahoow naga yeel kuwo khayrka fala iskuna kaashada…. Aamiin.