Maxkamaddaha Guura: Yididiilo Ku Cusub Garsoorka iyo Caddaalada Soomaaliland!

Saddex bilood kahor, waxaa shir balaadhan iskugu yimid dhammaan qaybaha bulshadu ay ka kooban tahay; odayaal, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo bahda garsoorka iyo caddaalada. Shirkani waxaa lagaga dooddaayey istaraatijiyad cusub oo garsoorka iyo caddaalada Somaaliland dib u habayn loogu samaynaayo. Shirkani waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Wasaaradda Caddaalada iyo Hay’addaha UNDP iyo AWEPA. Madaxweynaha Soomaaliland oo shirkani furay wuxuu maalintaasi carabka ku dhuftay in xalaadda garsoorka dalku aanay wanaagsanayn isla markaana wuxuu walaac ka muujiyey caddaalada dalka oo uu sheegay in aanu moodayn inay sidaasi u sii liidato.

Waxaa yididiilo cusub ahayd in shirkaasi la isla meel dhigay hirgalinta istiraatiyadda cusub oo dib u haynta ku samaysa garsoorka iyo caddaalada Soomaaliland, waxaa laga doodday toban qodob oo ay istiraatijiyaddu ka duulayso iyadoo mid walba si qoto dheer looga doodday. Waxaa laysla qiray in caddaalada dalku ay marayso heer magac u yaal ah oo aanay jirin ba, waxaase laysla qiray inay maxkamadduhu shaqeeyaan haba caddaalad xumaadaane. Dalku se iskuma jiree, dad baan maxkamad ba arag. Waxaa laga yaabaa in qofka magaalooyinka waa weyn joogaa uu ka cawdo kiis six xun loo maamulay ama go’aamiyey ba, laakiin waxaa jira dad awoodi karo waayey inay garsoor helaan caddaalad iyo caddaalad-darro kuu doono haba xukumee!

Haddaynu eegno qaabdhismeedka maxkamaddaha Soomaaliland, dalka oo dhami wuxuu leeyahay hal xarun oo maxkamad sare ah. Gobol kastaana wuxuu leeyahay hal maxkamad rafcaan iyo hal maxkamad gobbol. Inkastoonay suurto gal ahayn in maxkamaddahaasi dhawr xarumood loo sameeyo, waxaa haddana tixgalin mudan in ay jiraan dad tiro badan oo awoodi waayey in ay soo gaadhaan xarumaha maxkamaddaha sare, rafcaanka iyo gobbolada. Qofka tuulo degan waxaa laga yaabaa in aanu dhaqaale ahaan awoodi Karin inuu usoo safro caasimada dalka ama gobolka si uu dacwad uga furto ama iska difaaco.

Waxaa iyaguna tixgalin mudan goobta uu fal-denbiyeedku ka dhacay, goobta cadaymaha laga helayo iyo keenistooda oo wakhti dheer qaadan kara haddii ay ka fog tahay goobta gar-maqalka, taasi oo saameyn xun ku yeelan karta xuquuqda qofka sida isagoo xadhig muddo-dhaaf la xidho.

Iyadoo intaasi oo arrimood la tixgalinayo, wuxuu qof kastaa ba ku farxi karaa in ay maxkamaddaha gobbolada iyo rafcaanadu ay awood u yeeshaan in ay iyagu dadka u tagaan. Iyaga ayaa gaadhi kaxaysanaya, shidaalna ku shubanaya dabadeedna dadka goobtooda ugu tagaya oo dacwadaha soo dhageysanaya. Hawshani saddex sano ayey socotay inkasta oo ay gaabis ahayd sababo jiray awgood. Waxaa imika la xoojiyay adeegani oo dadka wax badan u tari doonaa.

Waxaa loo baahan yahay in ay dadku la shaqeeyaan kooxaha maxkamaddaha guura ee ka socda maxkamaddaha gobbolada iyo rafcaanada. Koox kastaa waxay wadataa garsoore/garsoorayaal, qareen, xeer-ilaaliye iyo kaaliye maxkamaddeed. Maxkamaddaha degmada waxaa waajib ku ah in ay u soo sheegaan maxkamaddaha rafcaanka kiisaska ay xukumeen ee rafcaanka laga qaatay, waxay kaloo soo sheegayaan kiisaska hoos yimaada awoodda garsoor ee maxkamaddaha gobbolada si ay goobtaasi u yimaadaan. Odaayasha deegaanada waxaa laga rabaa in ay kooxahaasi kala shaqeeyaan dhinac kasta.

Adeegani wuxuu xaqiijin doonaa in qof kastaa ba uu garsoor ka helo halka uu degan yahay. Wuxuu fursad u siin doonaa dadka aan awoodi Karin inay yimaadaan magaalo madaxyadu inay fursad u helaan adeega garsoorka maxkamaddaha gobbolada iyo rafcaanada. Ugu danbeyntii waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga dadweyanaha iyo ogaanshaha xaqa uu qof kastaa ba u leeyahay inuu helo garsoor caddaali ah.

Waxaan ku soo gunnaanadayaa xukumadu ha kala shaqeyso maxkammaddaha adeegani maxkamaddaha guura. Sidoo kale oday dhaqameedyada iyo maxkamaddaha degmooyinkana waxaa looga baahan yahay in ay kala shaqeeyaan maxkamaddaha guura dhinacyada, ogaysiinta kiisaska iyo soo sheegistooda, marti-galinta, soo dhaweynta iyo dhinacyada kale.

Qalinkiii: Garyaqaan: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer)

awmuxumed@yahoo.com. 4460167.