Maxkamadda Sarre ee Somaliland oo si rasmi ah u laashay dacwaddii ururadda Hadhay ay u gudbiyeen


Hargeysa (SLpost)-Maxakamadda sare ee Somaliland ayaa maanta go’aan ay ku laalayso ka soo saartay dacawad ay su oo gudbiyeen qaar ka mid ah ururadii lagu reebay wajigii labaad ee diiwaan-galinta.

Gudoomiyaha maxkamadda Sare garyaqaanYuusuf ismaacii Cali, ayaa sheegay in markii ay maxkamadda sare dib u eegis ku samaysay dacwadihii ay ururadii qiimeynta ku hadhay usoo gudbiyeen maxkamada aanay buuxinin shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa in loo aqoonsado urur siyaasadeed ka qaybgalla doorashooyiinka golaha deegaanka ee soo socda.

Ururadan ku tilmaamay cadaalad darada go’aankaasi ayaa waxa ka mid ahaa ururka, HORYAAL, JAMHUURIGA, NDP iyo UDHIS, waxaanay sheegeen inay xukuumaddu soo farogalisay garsoorka, isla markaana siday rabtay uun u xukumeen, waxaanay tilmaameen inay markii horaba sii garanayeen balse ay nidamka dalka u yaallo uun marayeen si ay sharciga u hogaansamaan.

Waxa kale oo ay ururadani in aanay ku qanacsanayn natiijadan ay maxakamaddu soo saartay waxayna sheegeen in ay abiil ka qaadan doooaan go’aan kani.