Maxkamadda Sare Oo Todobaadka Soo Socda Guddo-galaysa Dacawadii  Xisbiga UCID

 

Hargeysa  (SL.Post) Maxkamadda sare ee  Somaliland,  ayaa maalinta Axada ee todobaadkan soo socda bilaabaysa dhagaysiga dacwadda xisbiga UCID, ka dib markii uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe rafcaan ka qaatay go’aan ay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadu hore uga gaadheen khilaafkii xisbiga.

 

embattled_ucid_presidential_candidate_jamal_ali_hussein_and_party_leader_eng_feisal_ali_warabe_at_loggerheads

 

Dacwadan oo ah dacwad siyaasadeed oo xaasaasi ah, ayaa waxa fadhigeeda goob joog noqon doona Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo uu khilaaf ba’an oo siyaasadeed u dhexeeyo.

 

 

Bulshada Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya natiijada ay maxkamadda sare ka soo saari doonto dacwadan oo muddo dheer soo socotay.

 

 

Somalilandpost.net