Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Mar kale ku Gacan-saydhay Dacwad ay Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu u gudbiyeen

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mar kale ku gacan-saydhay ka-garnaqista Dacwad ay u gudbiyeen siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadashiga ee Somaliland.

Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ayaa hore ugu gudbiyey Maxkamadda Sare dacwad ka dhan ah muddo-kordhin loo sameeyey Goleyaasha Baarlamaanka ee Wakiilada iyo Guurtida, iyadoo Maxkamadda Sare diidday inay siyaasiyiinta ka qabato ama gudo-gasho ka garniqista dacwaddaas. Waxa ay maxkamaddu go’aankeeda ku sababaysay inaanay Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu xaq u lahayn furashada dacwaddan oo kale maadaama oo aanay ahayn hay’ad Sharci ah ee dalka ka jirta.

Madasha Wada-tashiga oo markan dambe metelaya shacabka Somaliland, ayaa maxkamadda u gudbiyey dacwaddaas, balse maxkamadda sare way ku gacan-saydhay gudo-galka dacwaddaas, waxaana arrintan kala hadlay siyaasiyiinta madasha Wada-tashiga oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose