Maxkamadda Sare ee Somaliland oo loo Gudbiyey Khilaafka Xeer 14 iyo Magacyada 46 Mudane oo ku saxeexan

Hargeysa (SLpost)- Aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa maanta Maxkamadda Sare ee Somaliland u gudbiyey warqad ay ku dalbanayaan inay go’aan ka soo saarto Xeer Lr.14 oo khilaaf laysku af-garan waayey ka dhex-abuuray Golahaas.

Aqlabiyadda Golaha oo ka kooban 46 Xildhibaan oo isugu jira mudaneyaal ka soo baxay Saddexda Xisbi Qaran, ayaa warqad ay ku saxeexan yihiin u gudbiyey Maxkamadda sare oo maanta ka guddoontay, waxaana ku lifaaqan qodobbada khilaafku ka dhashay ee khuseeya xeerka furista ururrada siyaasaddda oo madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada ayaa markii ay ka soo baxeen Maxkamadda Sare waxa ay la hadleen warbaahinta, waxaana mudaneyaasha arrintan ka hadlay ka mid ah Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo sheegay in ay Maxkamadda Sare Xeer 14 oo ka gole ahaan ay isku khilaafeen, wax heshiis ahna ka gaadhi waayeen, waxaanu xusay in dadweynuhu ay sugaan go’aanka Maxkamadda Sare.

“Annagu waxa aanu u dhaaranay in dalka, dadka iyo dastuurka aanu ilaalino, qodobka 38aad ee dastuurkuna waxa uu dhigayaa xildhibaanadu marka ay shaqadooda gudanayaan inay si waafaqsan dastuurka iyo Xeer-hoosaadkooda u gutaan.

Annaga oo ka duulayna taas, halkan oo maxkamaddii ah waxa aanu u nimid inay tafsiir sharci ka bixiso Qodob dastuuriy ah oo aanu isku qabsanay, marka wax la isku qabtana cidda loo gudbinayaa waa Maxkamadda dastuuriga ah,”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu nahay Gole Dastuurka ku aasaasan, hay’ad sharci ah ayaanu nahay, bulshada waxa aanu u sheegayna in aanu u noqonay halkii lagu kala baxayay oo ah Maxkamadda Dastuuriga ah, dadweynuhuna ha sugaan wixii ka soo baxa ee xaq ah.”

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa isaguna dhankiisa faahfaahin dheeraad ka bixiyey sababta khilaafka Golaha ee ka dhashay Xeer 14 iyo Sababta ay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ugu gudiyeen, waxaanu yidhi, “Wax dhibaato ahi kama jirto Golaha wakiillada, balse golahayagu waxa uu isku qabtay laba qodob oo sharci ah, labada qodobna Dastuurka ayay ku xusan yihiin. Waxaanu isku qabanay madaxweynuhu Xeer 14 wakhtigii loogu talay ayuu ku soo gudbiyey iyo kumuu soo gudbin. Qayb ka mid ahi waxa ay leedahay waxa loo raacaya soo celinta madaxweynaha qodobka 77aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. 46 mudane oo halkan jooga oo guddoomiye ku-xigeenkii golaha wakiilladu ku jiraana waxa ay qabaan qodobka 78aad ee Dastuurka.”

Xildhibaanka sharraxaad ka bixinaya labada qodob ee xildhibaannadu isku hayaan, waxa uu yidhi, “Qodobka 77aad oo ee Dastuurku wuxuu sheegayaa haddii madaxweynuhu 21 cisho gudahooda ku soo celin waayo xeerka, goluhu waajibaadkii ahaa saxeexa iyo faafinta ayuunbuu wareejinayaa, shaqo kale oo golaha wakiillada u dirayaa ma jiro.

Haddii uu madaxweynuhu ku soo celiyo 21 cisho gudahood, qodobka 78aad wuxuu xusayaa in goluhu soo jeedinta madaxweynaha cod u qaadayo, taasi oo dhigaysa in goluhu soo jeedintii madaxweynaha ku raaco ama uu ku diido.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Madaxweynuhu wuxuu xeerka haystay 53 maalmood, waxaanu madaxweynuhu ku sababeeyay in golayaashu ay maqnaayeen, balse golayaasha Qaranku maqnaanshiyo ma galaan. Xoghayaha ayaa jooga oo qabta marka xeerka la soo celiyo. Sidoo kale guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada ayaa joogay oo waakii guddoomiyaha Cusub xilka ku wareejiyay,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Abiib oo sheegay inaanu jirin khilaaf siyaasadeed oo ka jira Golaha Wakiillada, balse uu jiro khilaaf sharci oo ka-garnaqiisa ay ka sugayaan Maxkamadda Sare.

Xildhibaannada ku saxeexan waraaqada maanta loo gudbiyey Golaha Wakiillada ayaa magacyadoodu kala yihiin:

  1. Xildhibaan CaIi Jamac Caraale
  2. Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud
  3. Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)
  4. Xildhibaan Fu’aad Maxamed Diiriye
  5. Xildhibaan Mubaarik Xuseen Maxamed
  6. Xildhibaan Abdikarin Mohamed Muhumed
  7. Xildhibaan Ahmed Hassan Call Casoowe
  8. Xildhibaan Suleiman Mohamed Farah
  9. Xildhibaan Ahmed Abdi Duale
  10. Xildhibaan Abubakar Siciid Cali
  11. Xildhibaan Abdilahi Muse Abdi
  12. Xildhibaan Saleiman Carab
  13. Xildhibaan Mohamed Osman Mohamed
  14. Xildhibaan Cabdinaasir Yusuf Qodax
  15. Xildhibaan Aadan Cismaan Xarbi
  16. Xildhibaan Sheekh Axmed Dayid Aadan (Ku-caddeeye)
  17. Xildhibaan Cali Hussien Nuur
  18. Xildhibaan Cabdirashiid Cabdilaahi muuse
  19. Xildhibaan Mustafe Ahmed Abdilahi
  20. Xildhibaan Yaxye Abdilahi Amiin
  21. Xildhibaan Jamal Aden Diiriye
  22. Xildhibaan Ibrahim Mohamed Jama
  23. Xildhibaan Saalax Mohamed Diiriye
  24. Xildhibaan Yaasin X Mohamoud Xiir Faratoon
  25. Xildhibaan Ibrahlm Aw Jama Suudi
  26. Xildhibaan Mukhtaar Ibrahim Hashi Cilmi
  27. Xildhibaan Nuuradlin Ahmed Dayib Abdirahman
  28. Xildhibaan Xirsi Abdilahi Xirsi
  29. Xildhibaan Jama Abokor Mohamed
  30. Xildhibaan Ahmed Abdi Muse
  31. Xildhibaan Hassan Saleeban Dhuxul
  32. Xildhibaan Ahmed Mohamoud Abdllahi
  33. Xildhibaan Mohamoud Saalah Abdi
  34. Xildhibaan Mohamud Xayir Duale
  35. Xildhibaan Jama Axmed Oogle
  36. Xildhibaan Abokor Farah Warsame
  37. Xildhibaan Mohamed Abiib Yusuf
  38. Xildhibaan Mohamed Hassan Said
  39. Xildhibaan Mohamed Jama liban
  40. Xildhibaan JimcaaIe Ahmed Elmi
  41. Xildhibaan Bashiir Hussein Xirsi
  42. Xildhibaan Gulled Mohamed Warsame
  43. Xildhibaan Abdifataax Sh Mohamed Ahmed
  44. Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane
  45. Xildhibaan Cabdikariin Meecaad Xuseen
  46. Xildhibaan Amiin Saleebaan Jaamac

Xildhibaannada Xisbiyada Mucaaradka ee taageersan furista ururrada siyaasadda ayaa badankoodu ka soo jeedaan Gobollada Awdal iyo Sool oo rabitaankoodu in furista ururrada siyaasadda qayb ka noqdaan ururro siyaasadeed oo metala beelaha darafyada maadaama hoggaanka saddexda xisbi Qaran u af-duuban yahay Beesha Dhexe.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net