Maxkamadda Sare ee Kenya oo go’aan cad ka soo saartay Natiijadii doorashadii Madaxtinimada

Nairobi (SLpost)-Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa shalay go’aan ka gaadhay doorashadii madaxtinnimada dalkaasi ee horaantii bishan qabsoontay, iyada oo shaacisay in uu ku guuleystay guddoomiyaha isbahaysiga Jubilee ee Uhuru Kenyattaoo, taas oo meesha ka saartay racfaankii Rail Odinga ka qaatay natiijada doorashada.

uhuruGarsoorka maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in doorashadaasi uu ku guuleystay Uhurru Kenyatta, oo uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Kenya, Jomo Kenyatta. Madaxweynaha la doortay ee Kenya ayaa la qorsheynayay in la dhaariyo 26-ka bishan March, hase-yeeshe waxaa dib u dhigay dacwadda uu maxkamadda sare u gudbiyay xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga oo ku saabsanayd in dib loo tiriyo qaybo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Odinga ayaa ku doodayay inay jirtay wax is-daba-marin Isbahaysiga Jubilee doorashada ku sameeyey, arintaas oo maxkamadu waxba kama jiraan ku tilmaantay, waxaana wali jira cabsi laga qabo in rabshado dilaacaan.

Madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta oo dacwadi uga socoto maxkamada denbiyada dagaalka ee  Hauge, ayaa lagu wadaa in la dhaariyo 9-ka bisha April ee sannadkan.

Somalilandpost.net