Hargeysa (SLpost)- Maxkamada Sare ee Somaliland oo ah maxkamadda kaliya ee Dastuuriga ah, ayaa maanta soo gunaanadday isla markaana go’aan ka soo saartay ka soo saartay dacwadda khilaaf u dhexeeyey garabyada Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB.
Fadhiga maanta ee Maxkamadda oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo ay weheliyeen garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare, waxa ka soo xaadiray xubno ka tirsan labada garab ee khilaafku ka dhexeeyo, Dad kale oo dhegaysanayey dacwadda iyo warbaahinta Qaarkood.
Go’aanka iyo Natiijada kiiska dacwadeed ee u dhexeeyey labada garab, waxa lagu sheegay inay maxkamaddu diidday racfaanka uu Axmed Yuusuf Yaaasiin u gudbiyey maxkamadda isla markaana ay ogolaatay Racfaanka Guddoomiyaha Xisbiga Daahir Rayaale Kaahin.
Go’aanka Maxkamaddu ka soo saartay ka-garsooridda khilaafka siyaasadeed ee labada garab ee Xisbiga UDUB ayaa u dhignaa sidan:
-Waxay maxkamada Sare diiday asbaabta racfaanka racfaanlaha Axmed Yuusuf Yaasiin eek u taariikhaysan 21/04/2012 iyo dood afeedkii qareenka u doodayey.
-Waxay ogolaatay jawaab celinta asbaabta racfaanka racfaansane gudoomiyaha xisbiga Udub Daahir Rayaale Kaahin iyo dood afeedkii qareenkiisa iyo jawaab celinta ku taariikhaysan 09/05/2012
-Maxkamadu waxay ayidday go’aanka guddida diwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka ee sumadiisu tahay GDUAAS110/2012 kuna taariikhaysan 17/04/2012
-Waxay ku kordhisay maxkamadu in warqada sumadeedu tahay tixraac GX-UDUB-001-2011 ee ku taariikhaysan 03/10/2011 iyada oo maxkamadu ku kordhisay in warqadaasi leedahay ku dhaqan sharci taas oo uu soo diray gudoomiyaha xisbiga Udub md.Daahir Rayeele Kaahin ujeedadeeduna ahayd soo xulista guddida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga UDUB, guddidaas oo tiradoodu ahayd 35 xubnood oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed yuusuf Yaasiin waxay yeelanaysaa ku dhaqan sharci waxqabadyadii warqadaas ama igmashadaas lagu saleeyey ee ku soo baxay hadii la raacay oo lagu dhaqmay nuxurka iyo ujeedada warqadaas ku qornaa, wax ka bedelka iyo soo jeedinta xeerka xisbiga Udub waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee xeerka guud ee xisbiga Udub, sidoo kale wax ka bedelka xeerku waxa uu ku ansaxayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 3aad ee shirweynaha xisbiga Udub.
Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay 29/05/2012.”
Waa markii labaad ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland go’aan ka soo saarto khilaaf u dhexeeya masuuliyiin ka wada tirsan Xisbi Siyaasadeed iyada oo maxkamaddu hore uga garsoorta khilaaf siyaasadeed oo dhexmaray masuuliyiin hore uga wada tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID halkaas oo go’aanka maxkamaddu sharcinimada Xisbiga ku siiyey Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net