Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka oo Xukunno Dil iyo Xadhig ah ku Ridday 3 Askari oo ka tirsanaa Booliska Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka, ayaa xukunno isugu jira Dil iyo Xadhig ku ridday Saddex Rafcaanle oo Ka Tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland.

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan, waxa ay Maxkamaddu rafcaanlayaasha ku ridday xukunno kala duwan oo iskugu jira Dil toogasho ah iyo Sannado xabsi ah.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee SOLNA, Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka Somaliland, waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Yaasiin Faarax oo 30 jir ah, horena uga tirsanaa Ciidanka Booliska, kaas oo meel u dhaxaysa Magaalooyinka Tog-Wajaale iyo Magaalo-Cad ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray, Caydaruus Maxamed Daahir, iyadoo Maxkamaddu u cuskatay xukunkiisa Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta guud iyo Ayaadaha Qur’aanka Kariim.

Sidoo Kale Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka JSl waxa ay xukunno midkiiba 11 sanno ah ku xukuntay Cabdinaasir Maxamed Guuleed oo 48 jir ah iyo Cumar Maxamed Cabdi oo 28 jir ah oo iyaguna ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kadib markii ay ku caddaatay inay xidhiidh la lahaayeen falkaasi, iyadoo loo cuskaday Qodobka 244 ee Xeerka Ciqaabta iyo Qodobka 104 Xeerka ciidamada xilliga nabadda.

Maxkamada sare ee Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in xukunkani hirgalay iyadoo kaga dhawaaqday Xarunta Maxkamada Ciidamada ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan.

Somalilandpost.net