“Maxkamadda Iyo Guddida Diiwaangelinta Waxaanu Ugu Baaqaynaa Inay Dacwadayada, Go’aamo Ka Soo Saraan” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa  (Slpost) Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Maxkamadda sare iyo guddida Diiwaangelinta ururada iyo ansixinta Axsaabta qaranka ugu baaqay inay si deg-deg ah go’aamo uga soo saran dacwadii ay u gudbiyeen ee ka dhanka ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

 

 

 

1-1

 

 

 

 

 

 

 

 

Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta la hadlay waxa kale oo uu baaq u diray taageerayaashiisa.

 

 

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inay baaq u dirayaan Maxkamadda sare iyo guddida Diiwaangelinta, isaga oo u soo jeediyay inay go’aamo ka soo saaraan dacawadii ay u gudbiyeen, waxaanu yidhi  “Waxaan ugu baaqaynaa Maxakmada iyo gudidda Diiwaangalinta Ururada inay dacwadayada si deg-deg ah u galaan oo ay go’aamo uga  soo saaraan, taageerayaashana waxaan leeyahay ha niyad jabina halkii u danbaysay ayaynu maraynaa.” Ayuu mar kale yidhi Jamaal Cali Xuseen

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa