Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukuntay in la iibiyo Dhismaha Dabaqa ah ee Xawaaladii QARAN

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maanta soo saartay go’aan xambaarsan xukun lagu iibinayo Dhisme dabaq ay oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa, kaas oo lahayd Xawaaladdii musallaftay ee Qaran si lacagta loogu qaybiyo Dadkii Saamiga ku lahaa Xawaaladda, kuwaas oo in muddo ahba dacwadoodu ka socotay maxkamadda.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar ayaa go’aanka Maxkamadda maanta kaga hor-dhawaaqay iyadoo ay goob-joog ka yihiin Guddiga ay iska soo xuleen Dadkii saamiga ku lahaa Shirkaddaas.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

 

https://www.youtube.com/watch?v=tEaOdhwlw-E