Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukuntay Haweenay Farriin Aflagaaddo ah u Dirtay Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa maanta ka go’aan ka soo saartay dacwada loo haystay Nadra Maxamed Jaamac oo ku eedaysnayd inay Wasiirka Madaxtooyada u dirtay fariin cay ama aflagaado anshax xumo ah.

Maxkamada Gobolka oo maanta dhageysatay dacwadan, ayaa go’aan ka soo saartay, ka dib markii Nadra Maxamed Jaamac ay garsooraha Maxkamada hortiisa ka qiratay inay fariintaasi u dirtay Wasiirka Madaxtooyadda.

maxkama1-638x300Garsooraha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa markaa ka dib ku dhawaaqay go’aan ah inuu Nadra Maxamed Jaamac ku xukumay 8 bilood oo xadhiga ah, maadaama oo ay qiratay.

Qoyska Haweenaydan ayaa raali galin ka bixiyey fariintaasi, iyaga oo warbaahinta ku qoray inay ka xun yihiin falka gabadhoodu ku kacday,

Sidoo kale Ururadda xuquuqul insaanka maxaliga ah ayaa iyaguna sheegay inay ka tanaasuleen u doodida gabadhan oo ay sheegeen inay fariimo anshaxa suuban ka baxsan u dirtay Wasiirka madaxtooyadda.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa mar uu shalay ka hadlayey munaasibad Xisbiga Kulmiye loo sameeyey, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay farriin ay xambaarsanayd aflagaaddada ay haweenaydaasi u dirtay.

 

Somalilandpost.net