Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukun 5 Sanno ah ku ridday Boqor Buur-madow iyo Qodobbada loo cuskaday

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa fadhi ay saaka yeelatay waxa ay xukun Shan sanno ah ku ridday Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) oo xeer-ilaalintu ku soo oogtay dacwad la xidhiidha inuu ku kacay tallaabo liddi ku ah qaranimada Somaliland, kaddib markii uu ka qayb-galay xaflad caleemo-saar oo ka dhacday maamul-goboleedka Puntland.

Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-madow, ayaa horaantii bishan waxa uu deegaan ka tirsan maamul-goboleedka Puntland kaga qayb-galay xaflad lagu caleemo-saarayay mid ka mid ah madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland, waxaanu halkaas ka jeediyey hadal uu ku sheegay inuu ku metelayo madaxweynaha Somaliland, isagoo halkaas ka soo jeediyey in dib looga soo qaado Ciidamada Qaranka Somaliland jiidda hore ee gobolka Sool.

Haddaba, faahfaahinta xukunka madaxkamadda iyo qodobbada loo cuskaday xukunka Boqor Buur-madow oo saaka hor tagay maxkamadda kaddib markii todobaadkan la xidhay, balse laba cisho kaddib damiin lagu sii daayey, waxa aad ka daawataa muuqaalkan hoose.