Maxkamadda Sare ee Somaliland oo bilowday dhegaysiga Dacwadda qaar ka mid ah ururadii Siyaasadda ee Hadhay

Hargeysa (SLpost )-Maxkamada Gobolka Maroodijeex waxaa maanta si ramsiya looga bilaabay dhagaysiga dacwada ururadii ku hadhay wareegii hore ee kale reebida ururada siyaasada sida Jamhuuriga, Udhis, NDP iyo Horyaal. Dhagaysiga dacwada afarta urur waxaa hogaaminaayey gudoomiyaha maxkmada sare Yuusuf Ismaaci, waxaana ku wehelinaayey afar garsoore oo kale. Ururada ay dhagaysida dacwadodu maanta ay bilaabmatay waxaa goob joogayaal u kala ahaa: ururka Udhis waxaa mataalayey Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Maxamuud Cumar Xaashi.

Ururka Horyaal waxaa maxkmada u joogay gudoomiyahooda Axmed Sandoon, halka ururka NDP ay goob joog u ahayd Xayaad Abu Khaliif, Horyaalna waxaa dhegaysida dacwadaas uga soo qayb galay Pro Cabdisalaan Yaasin. Maxkmada Gobolka waxay maanta si rasmiya dacwadiisa u dhagaystay ururka Udhis oo mudo dhawr saacadood ay qaadatay doodiisu, waxaana loo balamay ururada kale maalinta bari ah. Afarta urur ee waxaa u doodayey garyaqaan Mustafe Mahdi oo ka mida qareenada Somaliland, halka guddiga diwaangelinta ururadana uu u doodayey qareenka guud ee Somaliland Qareen Ibraahim Iidle. Ururada iyo qareenkooda ayaa cabasho ka muujiyey u doodista qareenka guud ee Somaliland, waxaanay ku sheegeen inay tahay sharcigii oo la jabiyey, maadama ayey yidhaahdeen ay guddiga diwaangelintu tahay hay’adda madax banaan oo uu baarlamanku ansixyey Masuuliyiinta ururada ayaa dhankooda dareeno kala duwan ka bixiyey dacwada maanta uga furantay magaalada Hargeysa.

SOMALILAND POST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND