Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta go’aan ka gaadhay dacwad loo haystay afar Weriye oo lagu eedeeyay inay ka qayb-qaateen Muddaharaad uu Wargeyska Hubaal caddaalad-darro Xukuumadda Siilaanyo kula kacday kaga cabanayey oo ay Weriyeyaasha Magaalada Hargeysa isugu soo baxeen bilo ka hor.
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Hargeysa, ayaa afarta Suxufi saddex ka tirsan midkiiba ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 600.000 Somaliland Shilin ah, ka dib markii ay muddo socotay dacwaddoodu. Weriyaha Afraad oo ahaa Xasan Maal Dhidar oo ka mid ahaa Sawir-qaadayaasha UNIVERSAL TV, ay Maxkamaddu wax dembi ah ku wayday sida uu sheegay Xaakinka dacwaddooda qaaday.
Weriye Siciid Khadar Cabdillaahi oo ka tirsan Bulsho Tv, ayaa sheegay inay caddaalad iyo go’aan geesinnimo leh u arkayaan xukunka ay Maxkamaddu ku ridday marka loo eego eedaymaha loo sameeyey kiiska lagu haystay. “Maanta waxa noo soo gebogaboobay dacwaddii naloo soo haystay ee aannu baryahan-ba ugu soo noqnoqonaynay Makamadda, waa wax ILLAAHAY loogu mahad-naqo, ILLAAHAY ka sakow waxaannu u mahad-naqaynaa Garsoorihii gacanta ku hayey kiiskayaga Axmed Dalmar, oo aannu ka tirsanayno Caddaalad iyo inuu go’aan geesinnimo leh ka qaatay kiiskayaga.” Sidaa ayuu yidhi Weriye Siciid Khadar oo xukunka ka dib Warbaahinta la hadlay.
Sawir-qaadaha Telefeshinka UNIVERSAL Xasan Maal Dhidan oo sidoo kale Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in wax dembi ah lagu waayey oo ay Maxkamaddu fasaxday, waxaanu u mahad-celiyey Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland oo uu sheegay inay u halgantay xorriyaddooda muddadii ay xidhnaayeen, waxaanu u mahad-celiyey masuuliyiin gacan ka geystay wax ka qabashada kiiskooda.
“Xukuumadda wax cadaawad ahi nagama dhaxayso, laakiin waxa jira Rag u dhexeeya Saxaafadda iyo Xukuumadda oo isku dira. Anigu waxaan ahay eedaysanaha labaad ee ay maxkamaddu fasaxday. Waxaanan u mahad celinayaa Garsooraha Caddaaladda naga yeelay. Waxa kale oo aan si gaar ah ugu Mahad-naqaynaa Warbaahinta madaxa-bannaan ee noo halgantay intii aannu xidhnayn, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Fadxiya Jaahuur.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Maal Dhidar.
Hase-yeeshee, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka Maxkamadda, hase-yeeshee ay Urur ahaan Racfaan ka qaadan doonaan. “Go’aanka Maxkamadda waannu soo dhawaynaynaa, hase ahaatee, waxaannu ka qaadan doonnaa Racfaan, waayo Afartan Weriye wax dembi ah may gelin, waxa lagu eedeeyey inay Muddaharaad Hargeysa ka dhacay ka qaybqaateen, laakiin waxay ahaayeen Afar Weriye oo Kamarado duubayey may muddaharaadin ee annagaa muddaharaadka samaynay.” Sidaa ayuu yidhi Xoghaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.
Afartan Weriye ayaa markii ay muddo toddobaad ah ku xidhnaayeen Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxa dammaanad ku sii-daayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland Farxiya Jaahuur.
SOMALILANDPOST.NET