Maxkamadda gobolka Hargeysa oo Muddeysay dhegaysiga Dacwadda Masuuliyiinta Haatuf oo loo cuskaday Xeerka Ciqaabka Guud

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa muddeysay dhegaysiga dacwadda loo haysto mas’uuliyiinta Wargeyska Xayiraaddu saaran tahay ee Haatuf.

haatufMaxkamadu waxay u cayintay dhegaysiga dacwada loo haysto mas’uuliyiinta Wargeyska Haatuf 04/05/2014 oo ku beegan maalinta Axad ee todobaadka dambe, sida lagu sheegay qoraal baafin ah oo shalay oo Axad ahayd uu soo saaray Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa Jamaal Axmed Maxamed (Caga-weyne).

Maxkamaddu waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in dacwadda loo haysto masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ay dhibbaneyaal ka yihiin Qaranka (JSL) laftiisa iyo masuuliyiinta dacwadda ka gudbisay ee Xukuumadda ka tirsan, iyada oo haba-yaraatee aan gal-dacwadeedka kiiskan loo cuskan xeerka Saxaafadda Somaliland.

Qoraalka baafinta ah ee ka soo baxday maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa u qornaa sidan:

Dhibane:

Qaranka JSL iyo dhibbaneyaal

Eedeysaneyaal:

1 – Yuusuf Cabdi Gaboobe (Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf)

2 – Axmed Cali Cige (Tifaftiraha Wargeyska Haatuf)

Ku eedaysan qoddobada 287, 215, 328, 269 (2), 451 (3), 45, 44 71 XCG.

Ujeeddo: Baafin Eedaysaneyaal

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyada oo tixraacaysa gal-dacwadeedka summadiisu sare ku xusan yahay ee ka dhexeeyay labada dhinac ee sare ku xusan, waxay u mudaysay maxkamadu maalinta Axada ah ee taariikhdu tahay 04/05/2014 marka ay saacadu tahay 9:00 subaxnimo, waxa la amrayaa eedaysaneyaasha inay ka soo qaybgalaan dacwada ciqaabta ah ee summadeedu sare ku xusan tahay.

Sidaas darteed, waxa la farayaa eedaysaneyaasha inay dhawraan waqtiga iyo saacada loo qabtay.”