Maxkamadda Distooriga ah oo Kulan la yeelatay Ururrada Bulshada Rayidka iyo Arrimaha laga wada-hadlay

UBRHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamada Distooriga ah ee Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilo ka socda qaybaha bulshada rayidka ah, waxaanay ka wada-hadleen aragtida ay ka qabaan Khilaafkii ka dhashay Dib u dhaca Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Kulanka Dhexmaray Maxkamadda Sare iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa daba-socda kulan ay shalay la yeelatay guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran, waxaanay kulamadani qayb ka yihiin talo-wadaag maxkamaddu dhinacyada Doorashooyinku khuseeyaan kala yeelanayso go’aan ka gaadhista Tafsiir Sharci oo madaxweynaha Somaliland ka dalbaday Maxkamadda, kaas oo la xidhiidha sidii ay Maxkamadda Dastuuriga ahi fasiraad ugu samayn lahayd Qodobbo ka mid ah Heshiis is-af-garad oo dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda iyo sidoo kale Qodobbo ku jiray Go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda, kuwaas oo labadooduba ka hadlaya muddada ay doorashooyinku ka dhacayaan dalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN

Fasiraadda Sharci ee madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Maxkamadda Sare oo ah laba qodob, waxa uu madaxweynuhu kaga dalbaday inay fasiiraad sharci ka bixiyey laba qodob oo ku kala jiray Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuuumaddu ku xaliyeen khilaaf siyaasadeed oo dib-u-dhaca doorashooyinka ka dhashay iyo Go’aankii muddo-kordhinta Guurtida, kuwaas oo mid kastaaba gaarkiisa u tilmaamayo muddada ay qabsoomayaan doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu.

Waxa uu madaxweynuhu Maxkamadda ka dalbaday inay fasiraad sharci ka bixiso Qodobka 3aad ee Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda oo dhigayey inay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoonto bisha December ee sannadka 2016-ka iyo Farqadda B, Qodobka 5aad ee Go’aankii Golaha Guurtidu 14-kii May ee sannadkan muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, qodobkaas oo dhigaya in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadu qabsoomaan Hal bil ka hor dhammaadka muddo-xileedka la kordhiyey oo ku beegan bisha April ee sannadka 2017-ka.

Somalilandpost.net