Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukunno ku Ridday Wiilal iyo Gabdho Xaaraan lagu soo qabtay bisha Barakaysan ee Ramadan

Hargesa (SLpost)- Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa xukunno ku ridday Dhalinyaro iyo gaadiid lagu soo qabtay iyaga oo bisha Barakaysan ee Ramadan Xaaraan ku cunaya duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta la hor-keenno dhalinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho lagu soo qabtay iyagoo raashin iyo Qaad ku isticmaalaya beer ku taala duleedka Koonfureed ee Hargeysa, waxaana xukunkooda maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer-beel.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN IYO SIDA XUKUNKU U DHACAY