Maxkamadda Degmada Balli-gubadle oo Xukun Xadhig ah ku fulisey Nin Aflagaadeeyey Diinta Islaamka

Balli-gubadle (SLpost)- Maxkamada degmada Balli-gubadle ee xarunta Gobolka Hawd ayaa maanta ku riday xukun xadhig oo mudo sadex bilood ah Aadan Saxardiid Caydiid kadib markii ay ku cadaatay inuu caayay diinta.

Garsoorka Kiiska Maxkamada ee arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii Gudida Wanaag Farista iyo xumaan ka reebista oo kaashanaya ciidanka boolisku ay soo qabteen ninkan isla markaana ay ku markhaati fureen Sadex qof oo maqlayay .

Gudoomiyaha Wasaarada diinta iyo awqaafta ee degmada Bali gubadle C.risaaq Maxamed Yuusuf ayaa bulshada ku baraarujiyay sidii ay uga  hortagi lahaayeen ficilada xun xun ee ka soo hor jeeda diinteena suuban ee islaamka oo ay ka mid tahay aflagaadaynta eebe iyo ras’uulkeeni Muxamed.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net