Maxkamadda Ciidamadda Somaliland oo Dil Toogasho ah ku xukuntay Askari

Hargeysa(SLpost) Maxkamadda Ciidanka Somaliland darajadeeda koowaad oo manta soo gabagabaysay Dacwad ku saabsanayd Askari dhawaan breaJidka Dawga Cad ku toogtay dirawal ka mih ah gaadiidka jidkaasi mara ayaa manta ku riday Xukun Dil ah kadib markii ay ku cadaatay in uu si badheedh ah Dirawalkaas u Dilay.

Maxkamadda Ciidanku waxay Dil ku xukuntay C/xakiin Ma Dhagayste oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska kadib markii ay ku cadaatay markii uu Dilka fulinayay in uu si shakhsi ah Jidka Dawga cad uga hawlgalayay oo aanu haynin wax shaqao ah oo Ciidanku u dirtay.

download (2)

Dilka Askarigani geystay ayaa dhacay laba bilood ka hor mar Guddida Jidka Dawga Cad dhisaysaa ka joojisay aagaadiidka isaga goosha Somaliland iyo Jabuuti in ay maraan jidkaasi oo la dhigayay Daamur.

Askarigan dilka lagu xukumay ayaa si gaar ah ugu shaqaynayay Guddida isagoo aan Ciidanka ka fasax qaadan, wallow markii danbe Xukuumaddu Ciidan geysay Jidkaas oo ay aka mamnuucday gaadiidku inay maraan.
Somalilandpost.net
Hargeysa