Maxkamadaha Hargeysa Oo Laga Suuliyay Laaluush Qaadashadda Iyo Qorshe Lagu Ugaadhsanayo Shabakedihii Markhaati Beenaaleyaasha

Hargeysa (SL.Post) Laaluushkii Lagu  ibtileeyay maxkamadaha Somaliland, ayaa markii u horreysay muddadii ka dambaysay 22/9/2016, laga  suuliyay in xukaamta iyo shaqaalaha garsoorka Maxkamadaha Hargeysa ay laaluush ka qaataan dadweynaha ay u hayaan dacwadaha kala duwan, taasina waxay wax ka bedashay kalsooni darradii shacbigu ka qabeen   maxkamaddaha dalka.

thumbnail_dsc06007

 

Maxkammadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa 22-kii Bishii September 2016, ku xukuntay xadhig kala duwan iyo ganaax lacageed,  afar qof oo iskugu jiray  laaluush bixiye, dillaaliin iyo mid ka mid ah kaaliyeyaasha maxkamadda oo baxsaday markii uu ka war-helay in gacanta lagu dhigay kooxdii uu laaluushka ka qaatay waxaana la xukumay  isagoo maqan. Arrintani waxay noqotay mid maxkamadaha Hargeysa ka soo saartay dunidii madoobayd isla markaana kor u qaaday sumcadda isa soo taraysa ee maxkamadaha dalka.

Haddaba, Weriye Khadar Maxamed Xaashi oo ka tirsan suxufiyiinta wargeyska DAWAN oo u dhabo-galay isbedalka xukunkaasi  keenay iyo saamaynta ka dhalatay  waxa uu ka qoray shalay warbixin xiiso badan oo u qornayd sidan:-

“Marka aad maqasho maxkamadaha Somaliland gaar ahaan kuwa caasimadda Hargeysa waxa markaba qofka caadiga ah ku soo dhacaya maskaxdiisa  sawir fool xun iyo kalsooni darro laga qabo facaa’ilka xafiisyadda maxkamadaha yaalla. Hase yeeshee imika dhaqankaasi waxa uu meesha uga baxayaa  si tartiib tartiib ah.

Waxa xukunka maxkamaddu ku riday afarta qof ee laaluush lagu xidhay uu ka dhashay markii qof laaluush bixiye ahi uu cabasho ula tagtay guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana uu ku andacooday in laga xukumay dacwad uu daraf ka ahaa maadaama  sida uu sheegay  laga laaluush batay.

“In nimankan aanu qabanno oo aanu gacanta ku dhigno,  waxa noo sahlay waxa keenay laba  nin oo laaluush  bixiyay  ayaa iyaga  oo socda xafiiska igu yimid, waxaanay igu yidhaaheen guddoomiye Maxkamada kiis noo yaalay ayaa xaq darro nalagaga xukumey,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex  Axmed Dalmar Ismaaciil oo u warramay DMG, waxaanu intaas ku daray “Waxaan ku idhi in xaq darro la idinkaga xukumay yaa idiin sheegay?.”  “Waxay  yidhaaheen lacagta aanu bixinay kharash ka badan ayay kuwa kale bixiyeen oo sidee ayaad  u bixiseen ayaan ku idhi? Waxaanay yidhaaheen. lacag 4-kun oo doollar ah ayuu kaaliye Abokor naga qaaday. Isla markiiba  waxaan u yeedhay kii laaluushka  u kala qaaday  isaguna waxaa uu qirtay inuu 870-doollar ka qaatay, kiiskana sidaasi ayaan ku baadhay intaas ka dibna waxaan u gudbiyay CID-da,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda oo ka hadlayay siday lugahooda ugu yimaadeen  laaluush bixiyeyaasha la xukumay.

Intaas ka dib waxa Guddoomiyaha Maxkamaddu  uu gal dacwadeed ka furay kiiska afartan qof oo saddex shacab ahaayeen, halka qofka afraadna  uu ahaa  kaaliye Maxkameed  oo dhamaantood xukun maxkamaddu ku riday.

 

“Kiiskii ugu dambeeyay ee ahaa  laaluush bixinta, laaluush dilaalka iyo laaluush qaadashada,  Ilaahay wuu   nagu guuleeyey oo waanu xukunay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda oo shucuur ahaan farsaxannaa. “25-kii sanadood ee ugu dambeeyay dadku maxkamadaha waxay uga caageen ee ay u iman waayeen  waxa uu ahaa  walaaca ay ka qabaan laaluushka.”

“Kiiskaaga  oo cad marka aad lacag ku doonato waa lagaa lacag badan  karayaa, markaa aamini-maysid meel lacag lagu bixinayo,”ayuu ku dooday Guddoomiyaha Maxkamaddu, waxa uu sheegay inuu EEBE ku beegay inuu   ku dhaawaqo xukunkii u horeeyay ee laaluush qaadashada ka dhan ah, waxaanu yidhi “Taariikhda Somaliland waa markii koowaad ee maxkamadaha dalku  ay  xukumaan  kiis noocan oo kale ah oo ku wajahan laaluush bixin, laaluush qaadasho iyo mukhalas laaluush.”

Xukunkii Laaluus Bixinta iyo Laaluush Qaadashadda:

Go’aankii laaluush afartaas qof maxkamaddu ku heshay laaluushka  waxa uu u dhignaa sidan:-  “Waxaanu u xukunay saddex nooc, oo ah kii wax laaluushayay, kii laaluushka qaadanayay, iyo kii u dhaxeeyay ee laaluushka xaaranta ah dilaalayay, 1- Maxamed Jaamac Baaruud Ina Cudbi Ibraahim kaas oo ku gafey qoddobka-ka 272(2) XGG, iska dhigid inuu kalsooni ka heysto Garsoore, Maxkamadu waxay ku xukuntay  laba sannadood oo xadhig ciqaabeeda, waxaa kale oo lagu xukumay xuquuq madani ah, oo xukunsanayaasha 2-aad 3-aad ee laaluush uu ka qaatay, qeybtii  uu ka cunay oo dhan 870-doollar oo uu qiraal ku ahaa, waxaana xadhiga looga bilaabaya xukunsanahan, maalintii xoriyada laga qaaday oo aheyd 14/8/2016.

2-Jaamac Maxamuud Xuseen Ina Saado Guulleed oo 26-sanno jira kaas oo ku gafay qoddobka 249XCG bixin laaluush, maxkamadu waxaa ay ku xukuntay hal-sano iyo lix bilood oo xadhig ciqaabeed ah iyo hal-milyan oo ganaax maxkamadeeda, waxaana xadhigiisa laga bilaabaya maalintii xoriyada laga qaaday oo aheyd 21/9/2016

3- Jaamac Yuusuf Cali Ina Faadumo Muxumed oo dadiisu tahay 38-sanno jir kuna gafey Qod-249XCG bixin laaluush waxaa ay maxkamadu ku xukuntay hal sanno iyo lix bilood oo xadhig ah iyo  hal-milyan oo ganaax Maaliyadeedda, waxaana xukunsanaha xadhiga looga bilaabaya maalintii xoriyada laga qaaday oo aheyd 21/9/2016.

4- Ex-Kaaliye Abokor Axmed Maxamed –Maqane kaas oo ku gafey Qod-246(1)XCG ,Qod-366(1)XGG Fooljari ku sameyn dukumanti  uu qaranku leeyahay, waxaa ay maxkamadu ku xukuntay 4-sanno xadhig ciqaabeed ah iyo hal milyan oo ganaax maaliyadeeda iyo xuquuqdii Madani ee laaluush ahaanta kaga qaaday xukunsanayaasha 2-aad iyo 3-aad oo dhammeyd saddex-kun iyo boqol iyo sodon dollar waxaanay xukunsanaha maxkamadu kaga kala xukuntay qodobadan:–

Qod-366(1)XCG laba laba sano xadhig ciqaabeeda.Waxaana xukunsanaha xadhiga looga bilaabayaa maalinta la soo qabtee sharciga la horkeeno, waxaana xukunkiisa lagu dhawaaqay  20/12/1437H Ahna 22/9/2016.”

 

“Cida laaluushka wadada  u sameysay waa ummada, meeshay doonaanba ha joogeene, garsoorkana waxaa sadheeya waa ummadeenna oo laaluush ula Imaneysa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex.

Arragtida Islaamku ka Qabo Laaluush Bixinta & Qaadashadiisaba:

Sheekh Axmed Dhimbiil Guulleed, waa Agaasimaha  xafiiska iftiinka shareecadda,  kana  mid ah culimada wasaarada diinta  ee dawladda Somaliland  “Nabigeennu waxaa uu yidhi (Alle ha nacdalo ka laaluushka  bixinaya, ka qaadanaya iyo kuwa   ka dhex shaqeynayaba), Nac-dashuna waxa waa  naxariista Alle kaa dheeree,”ayuu yidhi Sheekh Axmed Dhimbiil oo la hadlay DAWAN, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Ninka naxariistii Ilaahay laga fogeeyayna wax allaale iyo wax u hadhay  ma jiraan, quraankana waa lagu xaaraantinimeeyay Nabigeenuna (NNKHA) waa uu xaaraantinimeeyay. markaa laaluushka ha la iska jiro  oo hala iska ilaaliyo si aynu bulsho caafimaad qabta oo naxariista ILAAHAY  hesha aynu u noqonno.”

“99-ka magac ee Ilaahay cadaalad baa ka mida. ILAAHAY  ummadna kuma qaado dambi aanay laheyn amase aanay gelin, cadaaladanna waxaa u xilsaaran hadba ciddii xilka haysa,”ayuu Sheekhu u caddeeyay Bulshadda.

Maxay Dhalisay Dib u Haybayntii Garsoorka Somaliland:

“Garsooreyaasha maxkamadaha Somaliland  99% waxaan caddeynayaa inaanay laaluush qaatayaal ahayn,  waana dad nadiifa ah oo  ILAAHAY  ka baqaya oo aan laaluush qaateyaal ahayn ayaa maanta jooga garsoorka intii dib u habaynta lagu sameeyay,”ayuu ku yidhi  Guddoomiye Axmed Dalmar.Waxaanu  ka sheekeeyay mid ka mid ah kiisaskii ugu layaabka badnaa ee maxkamadda ku soo maray  “Kiiska noogu layaabka badnaa ee na soo maray wuxuu  ahaa kiiska markhaati beenaalaha, nimankii markhaati beenaaleyaasha ahaa waa ay xukuman yihiin, oo laba sannadood ayaanu ku xukunay. jeelka weyn ee magaalada Hargeysa ayaanay ku jiraan,”ayuu yidhi. “Waxaa kale oo aanu gacanta  ku dhignay mukhalasiin. mukhalasiintuna waa sida suuska oo kale oo ka sii xun markhaati beenaaleyaasha.”

Mr. Dalmar oo si gaar ah ula hadlayay dadweynuhu waxa uu yidhi “Maxkamadu waxay u furan tahay dadweynaha, mid fiqiir ah, mid wax haysta, mid madax ah iyo mid dan yar ah sharciga hortiisa waa loo siman yahay. Waxaan ku cel-celinaynaa inaanay dadweynuhu isku dayin inay laaluush bixiyaan. ciddii dhaqankaas sumaysan lagu qabtana sharciga ayaa la marinayaa.”

Jawiga Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex:

Khadan Ismaaciil Cabdi, waa dadkii aan kula kulanay xayn-daabka maxkamadda, waxay sheegtay in laaluushkii uu haatan u muuqdo mid laga soo dabar jarayo maxkamadda.

“Maxkamadda  Maroodi-jeex, waxaad moodaa inay  daruuri  u da’dey.  sababto ah waa markii ugu horeysay ee cadaalada Somaliland iyada lafteedu is xukunto, waan  ku hambalyaynaynaa  Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka iyo garsooreyaashiisa,”ayay tidhi Khadan Ismaaciil oo ka mid ah dadka kiisasku kaga jiraan maxkamadda. “Arrintani waxay ka dhigan tahay maah-maahdii ahayd Weysha Gawrac dibigu ha ku quustee, waana wax ku dayasho mudan.”  Waxase ay ku baaqday in dhaqankan cusub la laasimo fulintiisa. “Markaa waa in cadaaladu sidaa ay imika u shaqeynayso, lagu dhaqaa. xukunkan aad lagu riday laaluush bixinta  waa mid gabi ahaanba bulshada Somaliland ay si weyn ugu diirsatay.”

Waxa la sheegay in muddooyinkan dambe maxkamadaha hareerahooda laga waayay shabakadihii  Markhaati beenaaleyaasha iyo kuwii loo yaqaanay “Yaan u gubtaa” ee beenta ku dhaaran jirayba.

“Markhaati beenaaleyaasha aanu qabaney ee xumani waa saddex qof oo ku jira jeelka Hargeysa.  waxaanu u cuskaney Qoddobka-291, markaa maanta waxa gabi ahaanba maxkamadaha Somaliland ka dhammaaday  wixii la odhan jiray laaluush qaate,”ayuu sheegay Guddoomiye  Dalmar,waxaanu dadweynaha ugu qalbi qaboojiyay  “Dadku waxay odhan jireen maxkamadaha  dhirtaa ku taalla ayaa  qalashay, dhirtii qalashay way magooshee kaalaya dhir qalashay maanta ma jirtee.”

 

Somalilandpost.net