Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex oo Xukun ku riday Dad lagu soo qabtay Khamri.

Hargeys(SLPOST) Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex  Ayaa Maanta Xukuno Isugu Jira Xadhig iyo ganaax lacageed Ku riday Laba qof oo Lagu Soo Qabtay Khamri  cadadkiisu dhamaa 35Shirikaan oo u dhiganta 1050 Litir.

 kh1-----j

01Raggan ayaa Doonayey in khamrigan ay soo galiyaan Magaalada Harrgeysa waxana gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska ee Degmada Faro-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex, maxkamada ayaa ragaasi Xukuno ku riday iyada oo cuskanaysa qodobka 4aad ee Xeer lambar 21/ 2002 ee xeerka la dagaalanka mukhadaraadka qodobkiisa 71aad ee ciqaabta guud iyo Ayaada 90naad ee suuratul maa’ida ku xukunta labadaasi eedaysane saddex sannadood iyo saddex milyan oo ganaax.

Markii xukunka lagu dhawaaqayey ayaa waxa goob joog ka ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland,  Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada gobolka hargaysa iyo ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud.

Xukunka lagu riday labadan eedeysane  ee lagu soo qabtay 35ka shirkaan ee khamriga ah ayaa waxa xukunkooda ku dhawaaqay guddoomiye ku-xigeenka maxkamada gobolka maroodi jeex Mudane Xuseen Maxamed Jaamac waxaana uu yidhi. “Xukunkii maxkamadu waxa ay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Maxamed Ismaaciil Aadan 35jir Ina Aniisa sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah Eedaysanaha 2aad Cabdi Yuusuf Axmed 23jir Ina Aamina sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah qodobka 2aad maxkamadu waxa ay isna xukun ku riday gaadhigii siday khamriga oo ahaa nooca loo yaqaan Seeraf laguna ganaaxay  shan boqol oo kun”.Ayuu yidhi.

kh2---

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan (Fooxle) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu hambalyo udiray ciidankaas soo qabtay khamriga oo dhan ah 35 shirkaan waxaana uu yidhi”Halkan waxa ay maxkamadu ku xukuntay Khamri ay soo qabteen ciidanka boolisku oo dhan kun iyo kontan litter oo khamri ah waxaana soo qabtay saldhiga faro-wayne ee qabta galbeed waxaanan aad ugu mahad naqayaa ciidanka booliska ee ilaaliya shuruucda dalka utaala waxaana aad u amaanaya taliyaha saldhiga galbeedka iyo ciidankiisa ee hawl galka adag ugu jira sidii ay dalka ugu bad-baadin lahayeen mukhadaraadka iyo xashiishada”Ayuu yidhi.

Sidoo kale isna waxa halkaasi ka hadlay Aadan salaad oo ah  ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud waxaana uu yidhi ”halkan waxaan ugu mahad naqayaa ciidankii soo qabtay khamriga iyo maxkamada xukuntayba waxaanada arkayseen in khamrigii ladaadiyey ka diban la gubay waxaana usoo jeedin lahaa dadka waxaas ku dhaqma in ay ka waantobaan waxaana ciidanka iyo taliye ku-xigeenkaba ku amanayaa sida wanaagsan ee ay arinta isugu xil-qaameen waxaana eedaysanayaashan ku xukunay una xuskanaya  qodobka 4aad ee Xeer lanbar 21 2002 ee xeerka la dagaalanka mukhadaraadka qodobka 71 ee ciqaabta guud iyo Ayaada 90naad ee suuratul maa,ida, marka waaxanu bulshada u soo jeedinaynaa in ay booliska la shaqeeyan.”Ayuu yidhi.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland