Maxkamad Ku Taalla Gobolka Minnesota Oo Nin Soomaali Ah Ku Heshay 13 Dembi

Hudson, (SLpost)- Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa nin soomaali ah ku riday xukun, waxaanay maxkamaddu ninkan ku heshay dembi ah inuu rasaas ku furay gaadhi ay saarnaayeen lix qof, degmda Hudson oo ka tirsan gobolka Minnesota, waxaanay sheegeen in ninkaas ku kacay fal budh-cadnimo ah.

Qareenno ka koobnaa siddeed qof oo isugu jira rag iyo haween ayaa Axmed  Faarax Xirsi waxay ku heleen 13 dembi oo ka mid ahaa 16 dembi oo uu markii hore waajahayay.

Ninkan oo 27 sanno jir ah ayaa maxkamadda la keenay jimcihii shalay, waxaana loo haystaa dembiyo uu ka mid yahay dil badheedh ah oo bishii January ee sannadkii 2014, ka dib markii uu rasaas oodda kaga qaaday dad saarnaa baabuur.

Xeer ilaaliyaha guud ee degmadaas ayaa sheegay inuu xabaddaas dadka ugu furay sida xayawaanka oo kale, waxaanay dhaawacyo soo gaadheen saddex qof.a-Hirsi

Booliska ayaa dhacdadaas maalin ka dib xidhay Axmed Faarax Xirsi, iyadoo uu gaadhi ku qaaday ninkale oo geeyay guriga hooyadii, si uu dharka iskaga bedelo, waxaanay boolisku gurigaas ka heleen rasaas tiro badan.

Ninkan ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay inuu isagu xabsiga ku jiro qofkii dembiga galayna uu gabbanayo, waxaanu garsoorka u sheegay inaanu dembi galin.

Ninka gaadhiga ku qaaday Axmed Faarax Xirsi oo lagu magacaabo Cabdi Guuleed ayaa sheegay in isagoo uu rakaab u ahaa uu rasaas huwiyay gaadhiga kale, waxaanu ninkani ogolaaday inuu marag furo si looga khafiifiyo xukunka ku dhacaya isaga.

Maalintii shalay jimcaha ahayd waxay maxkamaddaas Cabdi Guuleed ku xukuntay 2.5 bilood oo ka mid ahaa laba sanno oo uu ku jiraa xabsiga, sidoo kale Axmed Faarax Xirsi ayaanay maxkamaddu muddayn waqtiga uu dhacayo xukunkiisu.

Somalilandpost.net