Maxkamad ku taalla Congo oo xabsi daa’in ku xukuntay Nin British ah

Congo(SLPOST)Maxkamad ku taalla dalka Congo ayaa ku xukuntay xabsi daa’in nin haysta labo dhalasho oo ah Britain iyo Norway kadib markii uu dilay nin saaxiibkii sanadkii hore.

kongoo-3

Ninka oo lagu magacaabo Joshua French ayaa la sheegay in uu qol xabsiga kuwada xidhnaayeen ku dhex dilay saaxiibkii oo Norwegian ah laguna magacaabo Tjostolv Moland, balse waa u beeniyey markii maxkamad la horgeeyay.

Labadooda waxaa lagu xukumay dil toogasho sanadkii 2009 kadib markii lagu eedeeyay in ay jaajus ahaayeen markii laga qabtay gudaha Congo ayna sidoo kale dileen dareewalkoodi oo reer Congo ahaa.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaaladda Caafimaad ee Mr French, waxayna sheegeen in si dhow ula socon doonaan oo ay kiiskiisa kala xaajoon doonaan masuuliyinta Congo. Waxaa la sheegay xanuun dhanka maskaxda uu hayey markii maxkamad la horgeeyay.

Labada nin ayaa u shaqeynayay Shirkado gaar ah oo qaabilsan arrimaha amaanka oo ku yaalla Africa, waxaana ay sheegeen markii la qabtay in ay Congo u joogeen sahan oo ay donayeen in ay ka furtaan Shirkad iyagu leeyihin oo qaabilsan arrimaha amaanka. Balse Dowladda Congo ayaa ku eedeysay in ay hawlo basaasnimo u joogeen.

 

Somalilandpost.net

editsomalilandpost.com