Maxey ku Sheegeen Aqoonyahankani Kaftanka – W/Q: Ceelaabe

Waa Markii Labaad ee aan Mawduucan ku daro Qeyb kale oo si kale wax uga Iftiimineysa  Macnayaasha kala duwan ee laga bixin karo waxa loo Yaqaano “Kaftan”.Ciwaankii hore ee Qormadani Ayaa ahaa “Kaftan” iyada oo aan Qoraalkaasi markii horeba ku soo uruuriney Aragtiyo kala duwan oo si toos ah loogu Fahmaayo Kaftanka iyo Kaalinta uu bulshadeena ugu Jiro ama sidoo kale sida uu Hadalka qeybta uga yahay marar badana u soo galo ama loo wadaago.

Dhab ahaantii kaftanku waa Qeyb hadalka ka mid ah oo mararka qaarkood Dadka sheekeysanayaa ugu digo rogtaan Jawi ka Madadaalo badan kana Qosol badan hadalka tooska ah,iyada oo sidoo kalena la taabanaayo Xaqiiqooyin badan oo mararka kale aan hadalka tooska ah lagu sheegin ama la isugu gudbin.Sidani waxa Qaba Ceelaabe

Dhinaca kale mar aan wax ka weydiiyey Ahmed oo  ka mid ah dadyowgii aan kala sheekeystey waxa uu u arko Kaftan ama ku Macneyn lahaa Ayaa iigu Macneeyey Kaftanka Sidani”Kaftanku waa Qeyb hadalka ka mid ah oo ay si uun mararka qaarkood wax run uga noqon karaan,laakiin aan haddana mararka qaarkood wada xaqiiqo noqon karin”

Waxa aan Hadana u bandhigey Kaftanka Qaar ka mid ah Hablaha Aqoonyahanka ah ee Bulshadeena Waxaana laba ka mid ahi ay iigu Sheegeen sidani Hamda Ayaa ku Macneysey ” Kaftanku waa Qeyb hadalka ka mid ah oo aad ku ogaan karto Qofku meelaha uu u jilicsan yahay ama ka xanaaqo iyo Hadalada ama Waxyaabaha aanu ka gubanin ama u adkeysan karo,Waa Hadal lagu baadho dabeecada qofku sida ay tahay”iyada oo hadalka sii wadatana waxa ay tidhi waxaan Rumeysanahay in qofka waxyaabaha lagula kaftamo aad ku ogaan karto Halka uu nolosha kaga jiro ama Doorkiisa Bulshada

Dhinaca kale Ayaan Ayaa iyaduna Kaftanka ku soo gaabisey “Kaftanku waa Runta oo la Qaboojiyey”. Mr Iid Ayaa isaguna sheegay Fikrad aan taasi ka fogeyn oo Yidhi “Kaftanku waa Runta oo la maldahaayo”.

Barkhad oo ka mid ah Asxaabtii aan kala sheekeystey intaan wadney Raadinta macnaha dhabta ah ee Kaftanka  Ayaa ii sheegay in uu Kaftanka ku qeexi lahaa sidani “Waa runta oo la dadaayo,waa iyada oo la sheegayo waxa jira ama xan laakiin si furan oo ciyaara la isugu sheego”.

Ismail Ayaa isaguna Kaftanka noogu Sheegay Macno ah sidani “Kaftanku waa iyada oo dhaliisha la isugu sheego hab qurux badan oo aan lafta Jebineynin”.Wuxuu ku sii Daray,Waxna kuumaan Reebin,Waxna kuuma Dhibin,ama kuma Yeelin.

Muna oo ka mid ah  Dadkii aan Su,aaley Kaftanku Macnaha uu Yeelan karo Ayaa iyaduna dhankeeda ka rumeysan Fikrad ama Qeexid aan ka fogeyn Macnayaasha kale “Kaftanku waa Qeyb hadalka ka mid ah oo Waxna ka run yihiin,Qeybo ka mid ahina noqon karaan wax aan sal iyo raad laheyn oo hadalka lagu daro ama la isku difaaco.

Shuceyb Ayaa isaguna Kaftanka ku Sheegay”Kaftanku waa Runta oo la Qaboojiyey,Soomaaliduna sideedaba runta iskuma Sheegto ilaa ay Kaftanto”.Inkasta oo uu Sharaxaad dheer halkaasi ka bixiyey hadana waxa aan ugu soo Koobey Intaasi.

Isku soo wada Duub Kaftanku waa qeyb hadalka ka mid ah oo inta badan lagu Qaato wakhtiyada qaarkood,Waxaana kaftanku dhex maraa Asxaab iyo dad macaariif fog  isku ah ama sidoo kale is dabeecad fahmey.Kaftankuna waa hadal inta badan taabta Dabeecada ama sifooyinka qofka oo dad badani aaney kaba xanaaqin kuwo kalena ka cadhoodaan.Waana dhab in qosol badan iyo buuq ama Jawi Kacsanaan ah uu dadka ku keeno.Kaftanka waa la Yareyn karaa oo qofba meel Ayuu idin taagan yahay,laakiin meesha lagama saari karo oo si uun Ayaad Asxaabta ama dadka aad wada nooshihiin ugu kaftantaan waxyaabo kala duwan.Weynida ama sidoo kale Qofku waayo aragnimada uu nolosha u leeyahay ama garashada aad qofka aad la kaftameyso u leedahay,Aqoonta,suugaanta,Maahmaahyada iyo Maskaxda fiicaniba waxa ay ka qeyb qaataan in aad Kaftanka uga qeyb qaadato hab furfuran ama ay ku Jirto Awood hadal oo aad isaga Qabato ama caabido Qofka kale.Ereyga lagugu soo Tuureyna waa in aad Fahantaa waxa looga Jeedo mararka qaarkood.

Ugu danbeyntiina waxaan u mahadnaqayaa Dhamaan Aqoonyahanka xaga sare ku Qoran oo Qoraalkan iyagu leh isla markaasina igala Qeyb qaatay oo aan idinku soo Gudbiyey Aragtiyahooda la xidhiidha Kaftanka.Dhamaantiin waad Mahadsan tihiin,Aqoonyahanka kala duwan ee rag iyo dumarba leh isla markaasina Kaftanka ka sameeyey Macnayaal kooban.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed