Maxaynu Ku Xasuusanaa Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum M. I. Cigaal? – WEEDHAHA LAGA GUNTAY EE SAMEYNTA KU LEH SIYAASADA SOMALILAND

Waxa dhammaan shacbiga reer Somaliland – gude iyo dibadba isu diyaarinayaan Xuska 11-Guuurada ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland,Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Si maalintan qiimaha leh loo maammuuso, waxa la sameeyay Guddi-dadweyne oo qaban-qaabin doonta maalintan taariikhiga ah.

egal1968Hadaba muddo laga joogo 11 sanno, kuna beegnayd 3dii May 2002, waxay warbaahinta caalamka iyo ta gudaheenuba si lama-filaan ah u tebiyeen Geeridii Madaxweynihii 2aad ee Somaliland, Alle ha u naxariisto’e, Marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxaynu xusuusan karnaa in ay ahayd maalin xanuun kulul oo murugo badan inagu beertay, maalin mustaqbalka dalku mugdi galay qof kastaana wadnaha farta ku qabtay Talow maxay noqon, Walow ay geeridu mar walba xaq tahay.
Dareenka naxdinta leh ee ay dadweynaha S/land ku qaabileen maalintaasi geerida Marxuun Cigaal waxay ka shidaal-qaadanaysay,  saameyn culus oo uu noloshooda ku saabsan, xusuuso iskaashaday iyo muddo kor u dhaaftay nus-qarni oo uu ahaa hoggaamiye siyaasadeed , isla-markaana hadh iyo habeen ku hawlanaa danaha Somaliland.

Hadaba Sida aan ka soo uruuriyey taariikhdiisa Marxuun Cigaal waxaa lagu tilmaamaa siyaasiyiinta dhulka Somalida ee xilalkiisa oo kale qabatay kii ugu wakhtiga dheeraa dhinaca nolosha siyaasadda, Marxuun M X.Ibraahim Cigaal wuxuu  dhashay sanadkii 1929kii- kuna dhashay  degmada Oodweyne ee G/Daad-madheedh.
Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii qaybta malcaamadda qur’aanka ilaayo uu waxbarashadisii sare kaga baxay dugsiga Sare ee Sheekh ee G/Saaxil., Debadda ayuu Warbarasho sare ku tegay oo la xidhiidhay dhinaca ganacsiga siiba magaalada London, ee waddanka Ingiriiska, waxaana uu Somaliland dib ugu laabtay, qiyaastii horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay oognayd naacowdii xornimo-doonka.
Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Marxuun Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Somali-Land. Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Marxuun Cigaal, waxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in SomaliLand ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markay tahay 26-ka Juun ee sanadkii 1960-kii, Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Somaliland, kadib markay xornimadeeda gaadhay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.
Markii ay labadii Soomaaliyeed midoobeen, Cigaal wuxu maskax iyo muruqba isugu geeyey sidii ay Soomaalidu u noqon lahaayeen quwad ka dhex muuqata Afrika isla markaana hiigsata wadamada jiitay. Aragtidaas ayaanu ku foognaa ilaa ay milatarigu af-gambiyeen 1967kii isaga oo ra’iisal-wasaare ah kana dhigeen maxbuus.
Sidaas kuma uu galbane, amarka Ilaahay, ayaa mar kale marxuun Cigaal dib inoogu  soo celiyey ,  1993-kii ayuu majaraha markale u qabtay Somaliland. Waa wakhti ay dalka iyo dadkuba dunsanayeen, sharciga iyo kala-dambayntu dhamaan way  lumeen, caydh iyo colaadana ayaa geyiga aafeeyey, Wuxu qabtay oo allaha awooda lehi la qabtay shaqo ay quwadaha adduunka iyo bulshada caalamku 22 sanno ka qaban kari la’ yihiin wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.
Waxuu ku dhaqaaqay in dadkii Somaliland jiheeyo, isla-markaana wuxuna ku guuleystay hub-ka-dhigis rasmiya , oo ku sameeyey maleeshiyaadkii is hor fadhiyey iyo daydaygii laga tallaabsan kari waayey ee qoriga ku qadhaab tagaayey. Wuxu dhisay dhamaan hay’adihii qaranka ee loo baahnaa ama halbowlaha ahaa meesha ka maqnaa  sida Ciidamadii Booliska, Kuwa Qaranka iyo Asluubta,sidoo kale Hayaddii Garsoorka, Wasaaradihii  iyo Wakaaladahii kale ee fulinta ee loo baahnaa.
Wuxu markiiba soo daabacay kana shaqaysiiyey lacag wadanka Somaliland u gaar ah iyo weliba Baasaboor, wuxuna diyaariyey dastuur casriyeysan oo markii danbe afti dadweyne lagu ansixiyey, Sidoo kale wuxu seeska dhigay nidaamka dimuqraadiga ah ee asxaabta badan isagoo yagleeyey ugu horeyna curadkii xisbiyada- qaranka Udub.
Dhowr jeer oo marxuunka la weydiiyey arinta qadiyada Somaliya waxaa ka mid ahaa hadaladisiii,,,, Anigu ina Cigaal ahaan Soomaaliya ma nebci waayo Riisal-wasaare ayaan kasoo noqday laakiin maanta waa la-kala danaystay,  Dhowr jeer oo ka hadlay qadiyada Somaliland haddii labada Gole  Somaliland goostaan inay tagaan Soomaaliweyn anigu idin raaci mayo ayuu yidhi halkan ayaan ku hadhayaa……..
Sanadkii 1994 ayaa wariyaal jiboutiyaan ahi wareysiyo badan su,aalo ku weydiyeen Mar uu ka hadlaayey kalmada  Muqadis (Israaca Somaliyeed waa muqadis) ee ay kaga dhegtay dadka somalida qaar ka midda siiba madaxdooda ayuu ka hadlay Marxuun Cigaal . isagoo leh ,kalmadaa muqadis inay garanayaan u maleynmaayo,, muqadis waxay tahay wax dhowrsan oo ilaahay loo nisbeeyo oo nadiif ah, ninka muqadis kuu sheegaaya waxaa maanta Somali dhexmaray, kala dilay, kala kaxeeyey, isagaan garanayn micnaheeda , wax alaaliyo wax ay tahay., wax alaaliyo waxaan uga baahanahay iyo wax aanu marti-uga nahay,aanay jirin, erayada ka soo baxaaya lama go,i karo, lama tegi karo, waar walaalnimo inooga ah iyo laba qoys oo wada jira dhaqan iyo dhiig ka dhaxeeyo, isuna beer xaadhan,ayaa jirtay, ee joojiya hadalkan muqadis ee dagaalna waxba kaaga tareyn , nabadna idinka kaxeynaya.
Waxaan goostay ayuu yidhi:,  in dalku kala go,o , markii aan arkay dadkii Somaliland oo tashanaya, oo waxii dhexdooda ah beri ka noqday, oo maamulanaaya dalkoodii iyo dadkoodii,  waxaan umadda Geeska afrika leeyahay ayuu yidhi Marxuun Cigaal maanta ayey somaali caafimaaday ,oo sadex raas yeelatay (Somaliland, Somalia Iyo Jibouti) ,dadkii ay jaarka la ahaydna la wada nabad tahay, waxii aanu islahayn israac ayaad ku helaysaan ee aanu ku weynay , maanta ayaa inagoo sadex qoys ah , haddii laga helo reer Somaliya oo aanay dhiiqayn ama ay walaqayaan walaalnimadii , Maanta ayaanu  sidaasi aduunyada qiimo ku yeelanaynaa.
Xukuumadii uu gadhwadeenka ahaa Max,ed Siyaad Bare ayaa ayaa xasuuq iyo gumaad aan kala sooc lahayn ,loogu geystay dad maato iyo shacab aan waxba galabsan, oo Somaliland ku dhaqnaa ,kaas dadka si koox-kooxa laysugu xidhay oo anshaxana iyo dadnimada ka baxsan , diinta islaamkuna aanay ogalayn, ka-dibna la aasay,Mar uu khudbad ka jeediyey xabaal ka midda oo ahayd xasuuqii xabaalaha malko-durduro oo biyo ay soo sareen ayaa waxuu yidhi,  “Xigmad ayaa jirta maanta biyahani meydadkani u soo saran, waxaa weeye factabiruu –waar ku cibro-qaata ,si aynu dabadeeto wado u helno,aynu kagaga badbaadno ,ayna mar danbe inoogu dhicin waxaas oo kale,” ayuu yidhi marxuun cigaal

Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurti da Somaliland oo hadal ka jeediyay Xus mar loogu qabtay Hotelka Maansoor ee Hargeysa,  waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabaha lagu xasuusan doono Marxuum Cigaal.
“Waxaynu Ilaahay uga baryaynaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo xaaskiisii in Ilaahay u naxariisto. MarxuunMaxamed wax tilmaam ah uma baahna, haddiise laga tegiwaayo dawladnimada aynu maanta ku fadhino isaga ayaa hantidiisii ku bixiyey…Waxaana sharaf ugu filan guriyihiisii uu Burco ku lahaa waa dundumooyin hadda.
Waxa lagu xasuusan karaa shanta Soomaaliyeed ha inagu dayato ayuu yidhi markii aynu Calanka qaadanay oo afarta kalena ha inagu daydaan, xilkii loo dhiibay markiiba wuu ku qancay, waxaase u xigtay in sideed sanno uu xabsiga u galo. Waxa Jabuuti iyo NFD u diideen wixii la inagu sameeyey. Seeskii dawladnimo ayuu qabyaalad la’aan iyo hanti la’aan inoogu dhisay , tacabka maanta lagu fadhiyo ayuu inoo dhigay, wax la dayaco iyo wax lagu dheeldheelo maaha. Xamar waad arkaysaan, Jigjiga-na waad arkaysaan, ayuu yidhi Xaaji Cabdi .

 Iyadoo aan la dafiri karin shaqooyinkii ay qabteen madaxdii ka horeysay iyo kuwa ka dambeeyeyba, waxa la odhan karnaa guulaha muuqda ee uu qarankeenu maanta ku faano badankooda Marxuun Madaxweyne Cigaal baa horseeday amaba seeska  u taagay, Ku darsoo weliba dhaqaale uu isagu lahaa oo kaga galay Somaliland mooyaane,  hanti uu inaga urursaday lama sheegin.

Ugu danbeyntii :- Marxuun Cigaal wuxu udub-dhexaad ayuu ahaa oo marxalado badan oo dalkani soo waajahay aadna u adkaa ayuu kala soo dabaashay, isla-markaana  oo uu mid kasta furdaamiyey kana tagey mahadhooyin taariikh badan xambaarsan oo aan ka maydhmayn maskaxdeena, Wuxu hormood ka ahaa halgankii cuslaa ee dalkeena lagaga furdaamiyey gumaystihii Ingiriiska. Kadib markale ayuu Somaliland dhidibada u taagay dibu-dhiskeedii ..
Gebagebaddii :- Waxaa uu maanta Marxuun cigaal  taariikhdeena  kaga jiraa kaalintii ay halyeeyo badan sida Nelson Mandela(Koonfur Afrika), Mahatma Gandhi( Hindiya) ama Abraham Lincoln (Maraykan) ay kaga jireen wadamadooda..
N.B:- Sawirka aan idiin soo gudbiyey ayaa ahaa waqti hore oo Madaxweyne ku xigeenkoodii Maraykan Hubert Humphrey, uu Xamar yimid markii hore oo ahyad bishii janaweri 1968-kii, markii danbe  ra´iisul-wasaarihii Soomaaliya . Marxuun M. I. Cigaal ayaa isna bishii maarso 15keedii  ee sanadkaas u kicitimay magaalada Washington.

Qayb ka mid ah Wararka Xigasho Wargeyska Ogaal iyo taariikhdiisa Somali B.B.C.

W/Q: MUSTAFE ADAN SHANLE

BIRMINGHAM, WEST MIDLAND, UK