Maxay Xukuumadda Somaliland ka tidhi inay Wada-hadallo Hoose la bilowday Soomaaliya?

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyey su’aal laga weydiiyey jiritaanka warar sheegaya in wada-hadallo qarsoodi ahi u socdaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ahna Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka warkaas oo uu ku tilmaamay mid aan suurta-gal ka ahayn dhankooda maadaama Soomaaliya hore u burisay shuruudihii gundhigga u ahaa sii-socoshada wada-hadallada.

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ka baxday dhammaan heshiisyadii hore loogu gaadhay shirarkii hore u dhexmaray labada dhinac, sidaas awgeedna ay Soomaaliya ku wada-hadli karaan fagaare caalami ah oo beesha Caalamku goob-joog ka tahay.

Md Saleebaan Cali Koore oo u warramayey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay in wararka ku-tiri-kuteenka ahi qayb ka yihiin olole dowladda Muqdisho ku hawlan tahay, kuna doonayso khal-khal gelin ay Shacabka Somaliland ku abuurto, waxaanu ku gooddiyey inaanay xukuumadda Muqdisho ku guulaysan doonin isku-day kasta oo ay ku soo faro-geliyaan Shacabka Somaliland oo uu xusay inay yihiin ummad isku-duuban oo qaranimadooda ku adag.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu hadalkiisa intaas ku daray inay xukuumad ahaan dusha kala socdaan tallaabo kasta oo Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku doonayso inay shakhsiyaad danahooda gaarka ah ilaashanaya u adeegsato Somaliland, kuwaas oo uu tilmaamay inay olole ka wadaan Baraha Bulshada iyo saxaafadda qaarkoodba.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net