Maxay Somaliland ka tidhi Awoodda Soomaaliya u leedahay Faro-gelinta Heshiiska Kenya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Dawladda Soomaaliya awood u lahayn inay faro-geliso heshiiska ay dhawaan Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aanay Soomaaliya carqaladayn karin, wax faro-gelin ahna ku samayn karin heshiiskaas oo ah mid u yaalla Dawladaha Kenya iyo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

“Heshiiskan laba Dawladood baanu ku galnay, laba Dawladood bayna u taallaa sidii heshiiskaasi u dhaqan-geli lahaa oo ay ka wada shaqeeyaan. Waxaanu aamisanahay wax hor istaagaya ama haatan Carqalad noqon kara xidhiidhkaa labada Dal samaysteen ee horena u jiray, imikana ay sii ballaadhiyeen ee ay hore u sii mariyeen,” sidaas waxa yidhi Wasiir Faratoon oo hadalkaas ku sheegay Dood uu shalay ka qayb-galay oo Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-du ku falan-qaysay heshiiska Somaliland iyo Kenya

Wasiir Faratoon waxa kale oo uu sheegay inay Soomaaliya u taallo wixii ay samaynayso,  laakiin Somaliland ahaan aaminsan yihiin in aan cidna carqaladayn karin heshiiskaasi “Soomaaliya ayay u taallaa waxay ka yeelayso, laakiin annagu waxaanu u aragnaa heshiis ay labada Dawladood meel-marin karaan, Soomaaliya ha diido ama ha ogolaato,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net