Maxay Madaxtooyada Somaliland kaga Jawaabtay Qaylo-dhaantii Guddoomiye Cirro u diray Taageerayaasha Xisbiga WADDANI?

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadal guddoomiyaha Xisbiga Waddani ugu jeediyey taageerayaasha Xisbiga ee Gobolka Maroodijeex inay maalinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta Dhexe ee Xisbiga ee magaalada Hargeysa.

Madaxtooyada Somaliland waxa ay tallaabo sharciga baal-marsan oo shacabka lagu kala qaybinayo ku tilmaamay qaylo-dhaanta Md Cabdiraxmaan Cirro ugu jeediyey taageerayaasha inay isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga oo ku taalla Xaafadda New Hargeysa. Sidoo kale, madaxtooyadu waxa ay ka jawaabtay eedaymo isla maanta uga yimi guddoomiye Cirro oo naqdiyey hadal uu madaxweyne Biixi shalay ku duray mucaaradka.

Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame oo warfidiyeennada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada fiidnimadii caawa, waxa uu guddoomiyaha Xisbiga Waddani ku eedeeyey inuu ka tallaabsaday xayn-daabka siyaasadda iyo Masuuliyadda Guddoomiye Xisbi, isla markaana isagoo diiddan u-hoggaansanaan xeerarka iyo go’aamada ka soo baxa hay’adaha sharciga ah ee dalka uu kicinta shacabka uga faa’idaysanayo danihiisa gaarka ah.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Afhayeenka Madaxweynaha