Maxay ku Kala Duwanaan Doonaan Shirkaddii Total iyo Kuwa Maanta la Wareegay Haamaha Berbera?

 

 

Akhristow, In badan waxaa aynu maqlaynay doodo iyo ismarinwaa ku saabsanaa wareejinta Haamaha shidaalka ee Berbera ku yaala, kuwaasoo dhab ahaantii adeegyo aad u qiimo badan u haya dalka iyo dadkaba, waana taas, ta la rabo in ka fekerkeedu uu wax kastoo kaleba ka horeeyo, mudnaantana laga siiyo, sida aynu ka warqabno ismarin-waaga arintani waxay sababtay inay gacanta isula tagaan labadii mas;uul ee ugu sareeyay golaha Wakiilada, noqotayna fadeexad ku habsatay haybadii iyo maamuuskii golahaasi lahaa, iyo weliba shacabkii doortayba, markii miciin la mooday in gacanta sharciga lagu qaato, oo feedh lagu kala baxo, halkii shuruucda iyo qawaaniinta Golaha u yaala lagu kala bixi lahaa.

 

 

Su’aasha isweydiinta ihi waxay tahay, maxay dhinacyada (xukuumadda, mucaaridka) arintan isku hayaa ay daaran tahay is hayntoodu?  Dhab ahaantii, jawaabta su’aasha waa mid iska cad, marka laga duulo, sida ay u fekeraan madaxdeenu, amaba uu yahay hab-nololeedkooda siyaasadeed, haddaan ku horeeyo, qolyaha mucaaridku, iyaga arintoodu waa ku jiqsii, iyo yaan dhanna wax u socon, si ay uga riixaan in nidaamkaasu uu fadhiid ku danbeeyo, umadduna ay khadyaan uga istaagto waxqabad li’idiisa, si aan hadhow dadku iyaga dib ugu soo dooran, ee ay iyaga mucaarid ahaan loo soo doorto, markaas, iyaga nadariyadoodu waa mid masaaliix maadi ah oo gun-dhow ku salaysan, ee ma ahan mid ay danta danyarta ugu hiilinayaan, tanina, waa dhaqan siyaasadeed guracan oo ay iska soo dhaxlayeen Mucaaridka Soomaliland ka jiray mudadii 25-ka sanadood ahayd ee jirtay Somaliland-tu.

 

 

Haddii aan u gudbo, qolyaha xukuumada, horta iyaga ayaa sharciyan xaq u leh, qarankana uga mas’uul ah ilaalinta iyo maamulida hantida qaranka oo ay ku jiraan Haamaha Shidaalku oo sharcigu u ogolyahay, laakiin, nasiib darro, waxaa ay dabaqaan qayb sharciga ah ka mid ah, qaybna waa ay ku tunteen, tusaale ahaan, marka ay wareejinayaan hanta umadeed oo tan oo kale ah, waxaa muhiim ahayd in marka hore la dhamaystiro wixii shuruuc iyo heshiisyo arintaas la xidhiidha, lana mariyo dhamaanba heerarkii loo baahnaa inay sharci ahaan marto, sida in la shaaciyo si aan qarsoodi ahayn oo dadkoo dhami wada ogyahay, oo ay Gudida qandaraasyada qarankuna shaqadaas  sameeyaan, Isla markaana muwaadiniinta danaynaysana la siiyo fursad  ay si xalaal ah oo loo siman yahay ugu tartami karaan, inuu jiro heshiis dhamaystiran oo barlaamaanka laga ansixiyo oo ay kala saxeexdaan qolyahan lagu wareejinayo iyo xukuumadu, si loo hubiyo in heshiisku yahay mid u danaynaya bulshada danyarta ah ee aan u danaynaynin kuwa lagu wareejinayo uun, inay heshiiska ku cadahay inta sanadood ee ay gacanta ku haynayaan, iyo waxa laga yeelayo haddii aanay u hugaasamin wixii ku qoraa heshiiskaas la galay, may dhicin waxaas oo dhami, ee waxaa arintan falkiyay, hubiyayna dhaqan galkeeda waa xubno awood badan oo golaha wasiirada ka tirsan iyo raga iska leh shirkadahan lagu wareejiyay oo la tuhunsan yahay inay ka dhaxayso masaaliix hoose iyo dano ganacsi, iyadoo xukuumadda manta jirtaana ay u shaqayso sidii Kambani Ganacsi oo kale,  ee aanay u shaqayn sidii qiyam ahaan iyo aragti ahaan lagu yiqiinay xukuumad mudakar ah oo ka fekerta danta dadkeeda iyo dalkeeda, ka fekerta karaamada iyo waxa mustaqbalka danbe dadkeeda usoo wado, tani, waxay inoo sheegaysaa in Xukuumadda manta jirta iyo Mucaaridka joogaaba ay yihiin Isma Dhaanto iyo dhasheed, waxa qudha ee ay farqi ahaan kukala gedisan yihiina ay tahay kursiga oo aany isu ogolayn, oo ah ii Banee markayga iyo Kuu banyan mayo.

 

Isku soo wada duubo, dadka waxaa laga rabaa hal shey oo keli ah inay la yimaadaan, oo ah inay fahmaan waxa dantoodu tahay, inay gartaan inaan mucaarid iyo muxaafid isu dhaamaa jirin, meelna ku sii qortaan halka manta qiimaha shidaalku marayo oo ah $ 70 foostada naaftada ah, $ 100 tan batroolka ah,  kulana xisaabtamaan kuwa manta lagu wareejiyay, kuwa lagu wareejiyayna waxaa leeyahay,  TOTAL ayaa ina Cigaal shidaalka ku wareejiyay iyadoo foostada Naaftada ahi ay maraysay waqtigaa $70, maalintii uu Madaxweyne Siilaanyo ka wareejiyayna foostada naaftada ahi waxay maraysay $ 200, waqti yar oo kooban ayaanay kusoo dhacday foostadii $ 200 ahayd $70 doolar oo keliya, xusuusnaada, laydin-kama aqbali doono qiime ka badan $ 70-kaas ay maanta joogto, wax ka hooseeya mooyaane, iyada isbedelka qiimaha  shidaalka ee dunida iyo hadba waxa kusoo kordhaa waa mid loo wada joogi doono, laakiin, lama aqbali doono raadinta macaash ku qotoma dhiig-miiradnimo iyo ku dulnoolaansho kii TOTAL oo kale ah iyo wax la mid ah, hantidana dadkaa iska leh ee idnku ma lihidinn, ee ugu khidmeeya si macquul ah , ugana faa’iida dadkiina si ay lexlajeclo  iyo dhowrisiye ku jirto.

 

 

 

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii:- Hussein-lucky Mohamed Mohamood,

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco, Somaliland.