Maxay ka wada Hadleen Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo Wefti ka socda Jaamacadda Farsamada Gacanta Ethiopia?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Jsl Ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda dalka Ethopia gaar ahaan Jaamacada farsamada Gacanta Ee Wadankaasi Ethiopia (Ethiopia Technical University).

Weftiga Jaamacadda ayaa ka koobnaa 8 xubnood Oo isugu jiray Gudoomiye ku xigeenka jaamacada ee Amuuraha Academiga iyo Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Ee Cilmi-baadhista iyo Adeega Bulshada Research and community service-ka iyo Hormuudada Saddex kulliyadood Oo Ka tirsan Jamacada Farsamada Gacanta iyo khubarro ku xeel dheer Arrimaha Aqoonta Farsamada Gacanta.

Xubnaha Weftigan Ayaa Wasiirka Uga waramay sida ay u danaynayaan Iskaashiga waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal iyo Muhiimada uu daaranaa Socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland, iyaga oo ka Mahadnaqay Sida fiican Ee Loo Qaabilay.

Wesiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Jsl Md.Ahmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa isna dhinaciisa uga Waramay weftigan Ahmiyadda Xukuumada Somaliland iyo Wasaarada waxbarashadu ay siinayaan Aqoonta Iyo Xirfadaha Farsamada Gacanta, Isaga Oo ku Dheeraaday In Goobaha Waxbarashada Farsamada gacantu Ay kasoo kabteen Burburkii Soo gaadhay Islamarkaana Maalinba Maalinta ka dambaysa Ay sii kobcayaan, Waxaana wasiirka iyo xubnaha weftigu ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka waxbarasho ee dhinaca farsamada Gacanta Ee ka dhexeeya jamacada Farsamada Gacanta,Wasaaradda Waxbarashada Dalka Ethopia iyo wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo Sidoo kale kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarka macalimiinta farsamada gacanta,iyaga oo sidoo kalena ka wada hadlay Sidii jamacada Farsamada Gacanta Ee Ethopia Qayb kamid ah looga furi lahaa Hargeysa, iyadoo lala kaashanayo koomishanka tacliinta sare ee Somaliland .