Maxay ka-wada Hadleen Madaxweyne Muuse Biixi, Ugaaska Guud iyo Gendaha Beel-weynta Ciise

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay ugaaska guud ee beelweynta Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo xubno kamid ah gole-dhaqameedka Gendaha loo yaqaanno ee ay beeshaasi caanka ku tahay.

ugaaska ciise, muuse biixi (3)Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, iyada oo dhinaca kalena Ugaaska guud ee beel-weynta Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim ay dhinaciisa wehelinayeen xubno kooban oo kamid ah golaha dhaqanka beesha Ciise ee Gendaha loo yaqaanno.
Kulankan oo muddo saacado ah qaatay, ayey labada dhinac si qoto dheer ugu falanqeeyeen sidii xubnaha dhaqanka iyo xukuumaddu uga wada-shaqayn lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland, isla-markaana ay u wada yeelan lahaayeen xidhiidh joogto ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu hoggaanka dhaqanka ee beesha Ciise iyo golahooda dhaqanka ee Gendahaba ugala shaqeeyo arrimaha dhaqanka iyo wixii wada-shaqayn ah ee dhankiisa looga baahdo.