Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Xika Wareejinaya ee dalka Ingiriiska?

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay safiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Danjire Ben Fender waxa kulanka madaxweynuhu ku qaabilay ku wehelinayay madaxa xafiiska dibloosiyadeed ee Dowladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Hargeysa Stuart Brown.

Amb Ben Fender ayaa wareejinaya xilka safiirnimo horaanta bisha February kaddib markii ay dowladda Ingiriisku safiir cusub u soo magacowday arrimaha Soomaalida 4-tii bishan January. Safiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska ayaa ah haweenay lagu magacaabo Kate Foster.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey arrimaha ay ka wada-hadleen Safiirka Ingiriiska iyo madaxweynaha Somaliland oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay.

Warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Mr Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender oo uu wehelinayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimid safar shaqo oo ah safiirkii u danbeeyey shaqadiisa.

Kulankan oo daarnaa xog warran guud ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo go’aanka u danbeeya iska leh.

Waxa kale oo lagu lafo guray kulanka deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.

Waxaanu madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, safiirka uga mahadnaqay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, maaddaama oo lugtii ugu danbaysay shaqadiisu ay ahayd maanta oo madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa. Iyadoo madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska inay is waafajisay tiirarka qorshaha horumarinta Somaliland iyo deeqaha Ingiriisku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba uga mahadnaqay sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilkaasi hayey.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland.

Safiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska Kate Foster oo shaqada dibloomasiyadda bilowday sannadkii 2012-kii, ayaa lagu wadaa inay xilka la wareegtay horaanta bisha February ee sannadkan, waxaana la filayaa inay booqasho ku timaaddo Somaliland

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.netÂ