Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga Safiirka Faransiiska ee Kenya?

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya Aline KUSTER-MENAGER iyo Wefti ay hoggaaminayso, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo gelinkii dambe ee maanta ku qabsoomay Qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo khuseeya xidhiidhka u dhexeeya labada waddan iyo doorashooyinka ku muddeysan inay sannadkan ka qabsoomaan Somaliland, sida lagu sheegay war kooban oo madaxtooyadu ka soo saartay Kulanka.

Warku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale kulanka lagaga wada-hadlay iskaashiga dhinaca ganacsiga labada waddan iyo sii-amba-qaadista wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo sannadihii u dambeeyey hakad ku yimi.

Ma jirto faahfaahin intaas dheer oo warka ka soo baxay madaxtooyadu ka sheegay arrimaha lagaga hadlay kulanka dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Faransiiska.

Wefiga Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya ee soo gaadhay Somaliland, waxa xubno ka aha La-taliyaha Siyaasadda ee safiirka Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha Gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Gobolka Bariga Afrika, Caroline ABT iyo xubno kale.

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net