Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Dhexdhexaadinta khilaafaadka Dalka Qatar?

Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani iyo Muuse Biixi Somaliland.jpg

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dowladda Qatar oo safar shaqo ku yimi dalka.

Weftiga dowladda Qatar waxa hoggaaminayey Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qatar Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi [Source: Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL]
War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo-qaaday geeddiga Dimuquraadiyadda soddon jirsatay, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar Somaliland ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee Qadar Charity ay xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.

Warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo lagu sheegay in kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan.

Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo ah ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibedda dalka Qatar u qaabilsan arrimaha la dagaalanka Argagigisada iyo dhex-dhexaadinta iyo Xalinta khilaafaadka.

Danjire Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani waxa uu sannadkii 2020 ku guuleystay Abaalmarin uu bixiyo Machadka Tababarka iyo cilmi-baadhista Qaramada Midoobay ee UNITAR isagoo abaalmarintaas ku mutaystay Dhex-dhexaadiyihii ugu wanaagsanaa sannadkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net