Maxay Ka Wada-hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Weftiuga Dawladda Maraykanka?

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda dalka Maraykana oo maalmihii u dambeeyey socdaalka ku joogay waddanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay wehelinayaan La- taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Danjiraha Somaliland u qaabilsan Maraykanka Amb Bashiir Good iyo Naasir Maxamed Cali oo ah Agaasimaha Mac’hadka Barashada Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, waxa ay qaabileen weftiga Maraykanka oo ka kooban Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Tipor Nagy, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa dalal kamid ah Galbeedka Qaarada Afrika Danjire J.Peter Pham, Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William Kip Ward iyo Mr Joshua Meservey oo ka socday Hay’adda Heritage Foundation, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka warbaahinta ee Maxkamadda Sare ee Somaliland.

War-saxaafadeedkan ayaa u qornaa sidan: “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo waftiga soo dhaweeyay, ayaa uga xog-waramay kaalinta Hay’adda Garsoorku kaga jirto dhismaha Qaranka iyo dedaalada dib-u-habaynta ee muddooyinkii u danbeeyay ka tisqaaday, kuwaasi oo ay kamid yihiin kor-u-qaadida tayadda aqooneed ee Bahda Garsoorka, fidinta cadaaladda iyo adeega sharci kuwaasi oo ay door weyn ku leeyihiin Maxkamadaha Guurguura. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu uga waramay doorka hoggaaminta dhallinyarada ee Maxkamadaha dalka waxaannu xusay in sannadkii la soo dhaafay oo kaliya ay Maxkamadaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka garnaqeen 21,559 Dacwadood oo si hufan u soo dhammaaday.

Weftiga ka socday dalka Maraykanka ayaa geestooda uga mahadceliyay Guddoomiyaha soo dhawaynta diiran ee uu u sameeyay, waxaanay ka xog-waraysteen qaab-dhismeedka iyo hannaanka Hay’adda Garsoorku u shaqeeyo, waxaannu guddoomiyuhu sharaxaad ka siiyay dhismaha Maxkamadaha kala duwan oo ay kamid yihiin Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Sare iyo dhammaan haykalka guud ee Garsoorka dalka, waxaanu uga xog-waramay madax bannaanida Garsoorka iyo doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan geedi-socodka Qaranka iyo firfircoonida baaxada leh Hay’adda Garsoorka. Gunnaanadkiina waxa uu kulanku ku soo dhammaaday jawi degen.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet