Maxay ka fureen labadii Maayar ee Hore si Madaxweyne Siilaanyo Go’aan uga gaadho Muran Qalafsan Oo Dhexyaala Wasiir Duur Iyo Maayarka Burco

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci ayaa xoggo laga helay ama ilo ku dhawdhaw xafiiskiisa tibaxayaan inuu ogaaday in dhulkaasi uu yahay dan guud isla markaana mustaqbalka ay u baahantahay dowlada hoose burco madaama magaaladu ay sii koreyso, isla-markaana waxuu ku dhiiran waayey inuu runta u  sheego wasiir duur ama kala jiheeyo si mid waliba waajibaadkiisa u qabsado ama xilkiisa ugu ekaado Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale DUUR .

Wasiir Duur ayaa hore dhul ay lahayd nabadsugida Burco oo dhul dan guuda ahaa  , kaalin shidaal uga samaystay ,iminka heshiis ula galay Ganacsade Adan Dheere   Maayarka Burco ayaa sheegay in aan dhul dan guuda oo weliba anagu aanu baahi u qabno ayuu yidhi , aanay cidina nin shiciba waraaqo ugu soo qori Karin ,isla-markaana ku gacan saydhay amarka Wasiir Duur oo xulufo hoose la ahaa ninkaa boobay hantida umadda Burco oo faraayey in ninkaa shicibka dhulkaasi uu dhisto maadaba uu haysto shacriyad iyo mulkiyad uu u soo sameeyey maayarkii hore Maxamuud Dhagalaab oo muujinaysa inuu dhulka leeyahay .

Muranka Dhexyaala Wasiir Duur Iyo Maayarka Burco1Madaxweyne ku xigeenka ayaa u sheegay inuu wasiir Duur iyo Maayar Muraad in arinta lala sugo , madaxweyne Siilaanyo inta uu ka soo guryo noqonaayo.!

Barnaamij laga sii daayey SomaliSat ayaa laga wareystay maayaraddii hore Burco maxamed xuseen iyo Maxamud Dhagalaab.

Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dhulka uu Adan Dheere sheeganayaa uu ka mid ahaa sadex beerood oo gacantiisa uu ku beeray isla,markaana ay dadweynaha Burco iska leeyihiin , uuna ka diiday madaxweynihii Afweyne iyo Cigaalba in dhul dan guud dad shiciba lasyka siiyo , maantana maaha suurtagal in danguud oo weliba dowlada hoose oo dhulkii ku yaraaday ,magaaladiina sii koreyso , in nin shiciba la siiyo , anigu adan dheere berigii uu weydiistay waxaan ka kireeyey guriga yar oo hudheel ahaa oo ku dhexyaal beerta 26Juun , wanaan la yaabay markuu yidhi anigaa iska leh , kuwa waraaqaha u soo qorayaana ilaahay ha ka baqaan oo xabaal ayey galayaane , umadda dhulkeeda haw dayaan ayuu ku soo khatimay maayarkii hore oo ahaa nin ilaahay…

 Max,mud Dhegalaab, ayaa isna sheegay inuu isaga ula tegay madaxweynihii hore Rayaale oo qasriga madaxtooyada loogu saxeexay 40% Adan dheere in la siiyo , anaga dhulka oo nagu yar 40% dowlada hoose qaadato . waxaanu ku dooday oo keliya in ninkaasi haysto waraaqo badan oo loo soo qoray oo sharciya , oo wasiirka arimamaha gudaha , Riyaale , iyo qaar kaloo badan iminka beel ayaa haysta ayuu yidhi waxuu u booday hadana soo qaatay dhisme ka socda garoonka burco .

Lakiin kamuu jawaabin dhegalaab ninkani ma leeyahay dhulka warqada waa la qoraa mulkiyadana adigaa sameeyaye …..arintiisu beelo ka hadal ayey noqotay runtii dadkii daawanyey aad ayey ula yabeen ,in aanay labadaa maayar hore wax isu dhow ka hadal iyo halka uu ku meeraysanaayo mayarkii hore maxamud dheagalaab

 ilaahow aqoon daro hanaga tegin  iyo eex hanagu cadaabin.

tallow miyaanu dhimanayn Maxamud dhegalaab wasiir duur iyo Adan Dheere oo dhulkan umadda hadhow la weydiinayn ay isugu markhaati furayaan oo aanay ka saarayn isku beel ayaanu ahayn .

Hadaba madaxweyne Siilaanyo ayaa laga sugayaa markuu dhegaystay labadii markhaati ee maayaradii hore Maxamed xuseen iyo Maxamuud Dhegalaab in uu go,aan saxa qaato oo sida ay dadweynaha burco u arkeen , in dhulkaasi ay maanta baahi weyn u qabaan dadweynaha Burco , oo tobanka sano soo socda sii laban laabmaysa ,in aanay dhul ay dadweynaha ugu shaqeeyaan helayn dowlada hoose burco iyo bogcada lafteeda oo dhex maraan main pipes biyaha ay ka cabaan dadweynaha burco .

Ilaahay ayaa mahadleh 

Daahir yasin Caraale

Burco-Somaliland