Maxamuud Raage Oo Ku Laabtay Xukuumadii Uu Dhaliilaheeda Ku Adimijiray

Hargysa(SLpost)-Xoghayihii garabka siyaasada Waddani Maxamuud Raage ee dhawaan is casilay ayaa lagu soo dhaweeyay xisbiga Kulmiye, masuulkan ayaa hore u maxamuud-raagedhaliilo xoogan ugu jeediyay madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa isaga oo iska casilay agaasimaha wasaarada arimaha dibada oo wakhtigaas ahaa.

Masuulkan looga bartay dhaliilida xukuumada ayaa haatan mar kale dib ugu soo laabtay isla xukuumadii uu dhaliilayay, hadaba khudbad uu ka jeediyay qado lagu soo dhawaynaayay waxa uu ku ka yidhi “Aad ayaan u calool xumaaday oo maan ahayn ragii ku samray Kulmiye, Laakiin dib ayaan u soo biyaysanay, 2003-dii ilaa 2010-kii aduunka wadan aanan tagin malaha, ninka Noorway,Iswiidhan iyo Ingiriiska iyo Faransiiska goob walba ninka barnaamijka Kulmiye iyo xafiis furidiisa fadhiyay ayaan ahaa, madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aniga oo gurigiisa fadhiya ayaa igu yidhi Oslo ma fiicna shaqadeedu, afar casho kadib waan kala soo hadlay, hadaan wax diiday ama aan damqaday, waxaan is lahaa faraska usha waxa loogu dhiftaa oradka ha ka sii bariya uun, xumo igama ahayn ee lexejeclo ayay iga ahayd, hadaan baxay oo xisbi kale wax ka yara yagleelay meel ka sii fiican ayaan doonayay oo waa run sida ragu u sheegay.”