Maxamuud Cabdi Shide: Danjire, Siyaasi, Daljire iyo Waddani Aan Dib Loo helayn

 

Marxuum Maxamuud Cabdi Shide

Maxamuud Cabdi Shidde waxa ay u yaqaanaan dadka reer Somaliland badiba inuu ahaa aabbaha saxaafadda cusub ee Somaliland, dabcan wuu ahaa oo waa lagu majeeran doonaa taa inta madaxeen saan leeyahay. haddana waxa uu ahaa horseedihii aaladda internetka oo aan isaga la’aantii suurta gal noqoteen in ay Somaliland soo gaadho. Waxa kale oo uu ahaa mid danyarta jecel oo ka xorroobay aragtidda qabiilka oo ah sun ku mudan dadka Soomaalidda ah guud ahaan iyo gaar ahaan dadka reer Somaliland. Haddana waxa uu ahaa nin gacan furan oo aanay bakhaylnimaddu agtiisa oolin waxaana taa marag kac uga ah sida Xasan Xaaji Cabdillahi (Xasan Ganey) iyo Abwaan Gaariyeba oo labaduba uga marag kaceen. Intaas oo kaliya ma’aha ee waxa uu lahaa hibbooyin wax curineed oo dhif ku ah dadka Somaliland iyo Somaliyaba inay keenaan fikraddo wax curineed taasi oo adduunka kale millaayiin dollar lagu kala siisto hindise ama fikir qof lahaa lana maalo isagoo adduunka ka hoyday oo sannooyim badan ka sii mootanaa kuwaasna Saudi Arabia ayaa u uku daah furay oo Adduun badan kaga helay.

Intaas kuma koobna hibbooyinkii Maxamuud Cabdi Shidde, waxaanay noqon karaan qaar tiraba kor u dhaafa tobanaan iyo tobanaan waxaase ugu mudan oo aan qormaddan kaga faallo kaga bixin doonnaa hibbaddii uu u lahaa fahamka siyaasadda waa tan uu nin waliba siyaasi noqday ee Hadraawi ku yidhi maansadiisii “Rag Siayaasi Wada Noqoy” Maxamuudse ma ahayn kuwaasi ee waxa uu ahaa siyaasi dhab ah oo ka keenay maxsuul la wada arkay oo midho dhalay. Haddii aad ka waydo qof siyaasiya (Legacy) ama Dhaxal uu ka tagay oo la sii maalo waa been sheeganaya Siyaasi ee ma’aha. Sidaa si la mid ah haddii aad ka waydo abwaan ama mu’alif suugaantiisa laga reebi waayo Halkudhegyo waa iska gole ka fuul oo ma’aha Abwaan ama mu’alif dhab ah.

Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu ahaa dadka ay dhif ku tahay in laga helo dadka reer Somaliland isagoo kale waxaanu lahaa astaamo badan oo aan qof kaliya kuwada kulmin, kuwaasi oo aan ka xusi karo kuwan hoos ku taxan iyagoo oo aan ahayn kuwo aan la jeclaysaty ee ay yihiin kuwo uu u dhashay:

Deeqsinimadii Maxamuud Cabdi Shidde
Ma sahlana in qof noqdo mid dadka ka liita ama aan hayntoodu badnayn inuu hoos u eeggo oo uu u damqaddo sifahaa waxaa lahaa Maxamuud Cabdi Shidde oo ay dad badani uga marag kaceen oo aan ka xusi karo saddex qof oo kale ah Abwaan Gaarriye Alle ha u naxariisto’e, kaasi oo ka sheekeeyay dhacdo dhex martay isaga iyo Maxamuud Cabdi Shidde goor ay ahayd Ciid oo uu abwaanku faro madhnaa kana fikirayay reerkiisa iyo ciidda oo barri oo kale ah, waad dareemi kartaa adigoo faro madhan ooridaaddii iyo carruurtaaddiina aanay hayn wax ay ku ciiddan waana uurku taallo qof kasta uu si fudud u dareemi karo, taasi oo habeenimadda ay barri oo kale ciid noqonayso uu si kedis ah uga soo hor baxay Maxamuud Cabdi Shidde abwaan Gaarriye uuna u dhiibay dhowr boqol oo Dollarka oo Maraykanka ah waanad dareemi kartaa inta uu farxay abwaan Gaariye habbeenkaa oo inuu duulo ku dhawaaday, aadna u muusooday, ugana mahadnaqay kana sheekeeyay dhacdaddaa waliba si aan qarsoodi ahayn.

Xasan Ganey
Waa Abwaan kale oo isna ay is muteen Maxamuud oo isna farax iyo rayn rayn kala dheelmaday goobihii ay Abwaanka iyo Maxamuud isku muteen waliba markan Xasan Xaaji Cabdillahi Xasan “Ganey” waxa uu ku tiriyay Maanso uu ku tilmaamayo qofka uu ahaa Maxamuud Cabdi Shidde.

Waa tan maanso dheer oo abwaan Xasan Ganey ku muuneeyey Maxamuud Cabdi Shidde, maansada oo Garab-daar la yidhaa waxaa ay tidhi:

Godka hanadkii lagu riday
Gurmadkiisa aasiyo
Gogoshii tacsiyadiyo
Gabayada baroorta le’
Rag intay ku dhilayeen
Gurigayga kama bixin
Manaan gabin halkaygee
Waxaa Alle gaabshee
Gadaal i ridaa jiray

Geedigaasi waa kow
Guurayoo haddana raray
Garbo la hadhsanaayiyo
Gabi baa dayaamo
Waxa dhacay gu’wayniyo
Geedkii habriiro
Guumaysta taahdiyo
Galowgiyo xiidkii
Waxay giida la hayaan
Hanad lagu goblamayoo
Galbaday ogaaden

Geedkaa ba’ geeraay
Garabkii dugsoonaa
Gabayo iyo wax lul badaniyo
Gabadaraa ku socotee
Goobtii qaboobaa
markuu gudub jaleecaba
Galiilya i qabatee
geeridu xumaydaa
Goblan talo aduunyooy
markuu geesi hoydaba
Garashaa u oydoo
Sidii gabaygii cali yidhi
Waxaan ahay geddiisee
Intuu gaare gooni u lahaa
Gocoshiyo xasuusba leh

Gulufkii colaadihii
Gobonimo u dirirkii
Inagiyo gumaystaha
Ragii guura bahalaha
Gaadmiyo badheedhaba
Ku guntaday dalkoodiyo
Intii goolka dhalisiyo
Gaashaan biruu ahaa
Gocoshiyo xasuusba leh

Wuxuu gaadh ka hayn jiray
Danta guud xilkoodoo
Waligii nin geesiya
Gafuux uu ku raaciyo
Uu gardaran yahay
Guubaabinteed iyo
Baaq iyo guhaadiyo
In la geedi galiyoyo
Hadba geesta dhowrta leh
In uu godin u qaatiyo
In uu gacan u gooyiyo
Gocor iyo rifbaa jira
Raadkiisa gurayoo
Farta waxa ku godi jiray
Inta gawska xeershe
Goda raaca liitee
Wuxuu galay Maxamed
Wuxuu goday intii ogayd
Gocoshiyo xusuusba leh

Gabigeed aduunyada
Waxa geedi lagu yahay
Geeraarka libintiyo
Gobartidu hadeer tahay
Waa geeda saarka leh
Garoomaha ciyaaraha
Gudaha iyo dibada
Tiinkii galaaskiyo
Soo hooyay guulaha
Gadhwadeen hogaaansho
Lagu gam i’ jiruu ahaa

Gooshoo macaashiyo
Ganacsi u ma jeedine
Geyiguu la rabay magac
Gocoshiyo xusuus ba leh

Goob la isku xaadhiyo
Gole doodu adag tahay
Xaajaduna gudubtooy
Geed daaqsinkiiyo
Tagtay buuro guudkood
Go’na lagu cumaamaday
Waxaan doqontu garanayn
Fuluhuna ka gaabsaday
Giir la iska kiciyo
Isha la isku gabayiyo
Inta gaarka wax u raba
Goolaaftan koodii
Ina shide Galgalashiyo
Muu aqoonin galowdee
Taladuu Galaankiyo
Girgirkeeda hayn jiray
Jeer uu gudoonsado
Gurysamo in lagu wado
Gocashiyo xusuusba leh

Waxay guuyo xamataa
gudhahana lacaaye
Alla gacan furnaayee

Marti fiid gab soo tidhi
Subixiina kaa gudday
Gaariyow ma buurne
Intuu laba is guursaday
Isku jecel gar iyo waaq
Hayeeshe waqtigu gabay
Gabashana ku kala nool
Goldalooladoo diyo
Goortuu xogtii helay
Go’aan qaadashada dhow
Isagoon garnaba dayin
Nolosha u gardaarshee
Maalmo gaaban dabadood
Galbiyay ka yeedhee
Gaafkooda lagu tumay
Rugtiina gooni lagu qalay
Gocoshiyo xusuus ba leh

Intuu guri sabooloo
Gadan karin anfaacadii
Gurbood kuu la kariyiyo
Hadba guuf ku tuuriyo
Gasiin kooda siin jiray
Garab daarna ku lahaa
Galabba kuu ka madhan yahay
Gocashiyo xasuusba leh.

Taasina waa maansaddii Garabdaar oo aan ka soo garoocday gibin yar oo marag u ah qofkii uu Maxamuud Cabdi Shidde ahaa. Waa marag ma doon mar kale abwaan ka marag kacay.

Siyaasi:
Waa markan marka si balaadhan uu magaciisu u faafayaa waana hirdankii SNM iyo xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, qarniggii tagay badhtamihii siddeetanaadkiisa, iyadoo xilligaa lagu hirdamayay gobaladdii Waqooyi ee hore (Somaliland) maanta iyo siddii loo soo dhicin lahaa gobanimaddii Somaliland ee ay lumiyeen 32 kii Xildhibaan ee Somaliland laga doortay marka laga reebo kii 33aad oo ahaa Michael Maryamo Cali oo ahaa Xildhibaankii ku taliyay inuu inala sii joogo xukunkii boqortooyadda Great Britain oo aynu ka barano qaabka dawladnimadda loo maamulo, ilayn ninankaa Taliyaani ka kacayo ee aynu doonayno inaynu bilaa shuruud gobanimaddeena farta ka saarnaa waxay haystaan 10 sanno oo is maamul hoose ah. Waana 10 kii sanno ee markii danbe inagu dileen ee ay inagaga adkaadeen, waana halka aan mar walba uga qiro Michael Maryamo Cali inuu ahaa Siyaasi aragti fog oo waliba ku darsaday sharci yaqaanimo (Lawyer). Taladiisii la diidayna waa la eeday, isaga iyo Garaad Cali oo isna talo taa la mid ah bixiyay oo aan dhag jalaq loo siin. Waxaase laga dheefay laga soo bilaabo 1960 kii ilaa 1991kii taasi oo ahayd 30 sanno oo halaag ah.

Aan ku soo laabto Maxamuud iyo kaalinta uu ku lahaa halgankaa aan kor ku soo xusay waxa uu kaga qayb galay filim duubid uu jiidda hore ee dagaaladda ay foodda isku dareen SNM iyo xukuumaddii Siyaad Barre. Waxaanu noqday mid dhiiran oo soo duuba dagaaladdii faraha badnaa ee labadaa ciiddan ku dhex maray goobbo kala gadisan oo aan waxba la isku hanbayn si garab waliba guusha u hantiyo. Waxa caan noqotay in la yidhaa ma haysaa cajaladii dagaal hebel iyo dagaal hebel ee uu soo duubay Maxamuud Cabdi Shidde.
Muqaaladaas oo aad waadax u ahaa sida loogana bogan karayay wixii dhacay. Goob goobahaas dagaalka ka mid ahna ay ku kulmeen si kedis ah Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamuud Cabdi Shidde, kaasi oo inta uu ka firka naxay Maxamuud oo aanu meesha ka filayn maadama oo uu ahaa nin ladan oo hantiile ah oo aanay u badnayn inuu iman doono goobbahan dagaalka. Halkaas oo wadahadalkii dhexmaray ay ka mid ahayd suaa’sha Muuse ee uu waydiiyay waxa uu halkan ka soo doonay Maxamuud Cabdi Shidde? Taasi oo Maxamuudna kaga falceliyay in uu soo dagaal tagay oo uu wax ka soo dhicin doono Gobaad oo hore ay u lumiyeen 32 Muddane wakiilo ee Somaliland 1dii July 1960, taasi oo Muusena uu kaga fal celiyay in uu u baahan yahay in qori la siiyo hase ahaatee Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu si fudud ugu sheegay, inuu sito mid ka tiiro dheer kaa uu ka hadlayo. Hadalkiisaas oo markii danbe dhaboobay markii aqalka sare ee odayaasha (Senator House) ee Maraykanka lagu daawaday cajaladihii uu duubay Maxamuud Cabdi Shidde oo aasaas u noqoatay in mucaawimaddii lagaga joojiyo Siyaad Barre iyo xukuumadiisii ka dib markii xukuumaddii Ronald Reagan ay garowsatay falalkii uu Siyaad Barre kula kacay Shacabkii ku noolaa magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo guud ahaan goboladdii Waqooyi ee hore. Miyaanu haddaba Maxamuud Cabdi Shidde ka siyaasisanayn.

Qormooyin danbena waxaan ku lafo guri doonaa Hal-abuurnimaddiisii ganacsi iyo kaalintii uu ku lahaa Somaliland hadii Eebe ogolaado.

Qore: Cabdi Muhumed.
Cabdimuhumed60@gmail.com