Maxamed Xaashi Oo Ka Digay Dhibaatada ka Dhalanaysa Wareejinta Haamahana Kana Hadlay Baratanka Kulmiye

 

 

 

Hargeysa (SLpost)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay loolanka loogu jiro Musharaxnimada  Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, xilli aanu Madaxweynuhu shaacin tanaasulkiisa, waxaanu tilmaamay inay Madaxweynaha iyo Musharixiintani is og yihiin.

 

 

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay halista ka dhalan karta wareejinta haamaha shidaalka. Ugu horayn isagoo ka hadlaya loolanka KULMIYE iyo is cadayn la’aanta madaxweynaha wuxuu  yidhi “Anigu waxa aan qabaa in Madaxweynuhu aanu sharaxaad dambe awoodi karayn, sida ay imika xaaladu tahay, ma awoodi karo, in Doorasho dhacdana wakhtigeedii waa la soo dhaafayba, kolkaas isaga ayey tahay inuu waxan caddeeyo,oo kol musharax baan ahay kolna ma ihi ayaa meeshii socota, dadkan Xisbigiisa ka socda ee loolamaya iyagu wey inaga xogogaal san yihiin, oo warar hoose ayey og yihiin, weyna ka dhan tahay sidiisaba, oo Irreland  uu imika tagay, Ninkan uu Ireland ugu tagay waa Madaxweyne sharaf ku jooga meesha laakiin aan awood maamul lahayn, hebel baanu is naqaana ina keen  aynu tagnee ayey intaas oo Wasiir isku raacayaan, oo kharash badan lagu galayaa, waxyaabaha ina baabiyay ayey ka mid tahay.”

 

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Barlamaanka iyana waa la dooran doonaa, Hargeysa imika waa laba iyo laabatan xafadood, in xaafad walba ay ku loolaman Xisbiyadu oo Xaafad walba cidii iska taagaysa ee Xisbiyadi ahi halkaas ku loolam weeye, oo Xaafadu ogaato cida ka soo baxaysa xaafadoodii, oo iyagu qof ay lexejeclo u leeyihiin oo ay ku halayn karaan inuu uga war haynayo adeegyadii Biyaha, Laydhka, Telefoonka Dariiqii, Nabadgalyadoodii, Nin danaynaya inuu ahaado, weeye, oo tii inagu dhacday Doorashadii Dawladdaha hoose, aanay inagu dhicin, markaas waxa ay u baahan tahay taxadir  badan,markaas imika dadku Hargeysa waxa ay marayaan malyan iyo siyaado, in markaas lagu xisaabto Bulshada Somaliland intay marayaan oo lagu xisaabtamo imisa meelood ayaa dalka wax  laga dooran karaa, oo dabadeed lagu talagalo qalabkii, dadkii iyo nabadgalyadiiba, oo hadhaw aan la odhan meel heblaayo dadkii ayaa ku batayee ha lagu celiyo, qalabkii loo baahnaa wuu dhan yahay, ee waxa weeye in la dhamays tiro Diiwaangelintii, oo Diiwaangelintu waxa ay inaga furanaysaa in lagu celceliyo, Somaliyana weynu ku kala hagaagaynaa, kolkaas wax walba oo kuwaas ina kala fogeeynaya inaynu galno ayey ku fiican tahay, inta ka hadhay Dastuurka iyo Sharciga in dib loogu noqdo, oo Barlamaanka soo socda ansixiyo ayey ku fiican tahay, oo wixii qodobo ah ee dhaliilo ku jiraan la hagaajyo, ayey ku fiican  tahay.” Eng: Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlaayey Haamaha  yidhi “Haamuhu waa muhiim oo aad ayey muhiim u yihiin, Haamaha Total ayaa baabisay,  si qayrul sharciyana waa loo siiyey kolkii hore, si hagaagsana loogalama wareegin, markaas Haamuhu waxa ay u baahan yihiin dib u dhis in lagu sameeyo, dib u dhiskaana waa inay Dawladdu kharashkeeda qaadaa, oo ay Shirkado waaweyn oo hawsha garanaya ay adeegsataa, qandaraasna ku bixisaa, qandaraaskaasina uu ahaada mid Hay’adaha iyo wixii ku shaqo leh ay ka soo qayb  galaan,oo dabadeed kii la yidhaahdo kaas ayaa ugu roon qandaraaska la siiyo.

 

 

Dhuumihii Badda ka soo qaadayey ee Maraakiibtu ku soo shubayeen, shan ayey ahaayeen shantii waa tii la baabiyey, ee Total baabisay, mid iyo laba ayaa meesha ku soo hadhay, taasina wax ina anfaca maaha, walibana Badda hoosteeda ayey yaalaan, inagu dad gudaha gala oo ka laxaamada marka ay wax ku dhacaan ma hayno, markii ay dusha marayeen meesha ay waxa ka soo liigayeen waa la laxaamadi jiray, oo wax aynu awoodi karno ayey ahaayeen,  markaas Dhuumahaasi mid walba shaqo ayey lahayd, markaas wixii oo dhami wey baabeen in dib loo dhiso ayaa loo baahan yahay, ta kale ilaa Itoobiya ayaa Haamaha qaar la siin karaa,

 

 

Eng: Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlaayey khatarta ka dhalan karta haddii ay Xukuumaddu wareejiso Haamaha waxa uu yidhi “Marka la yidhaahdo qandaraas ha lagu bixiyo, oo Nimanka soo dajiya Shidaalka ha la siiyo, in la bixiyaba maaha, waana inay Dawladdu gacanta ku haysaa, oo dad masuul ahna oo ilaaliyana gacanta u galiso, oo sidan ay imika daayaca u yihiin iyo dadkan aan aqoonta u lahayn ee la iska qoroyo aanay u noqon, arintaasi waxa ay u baahan tahay inay lexejeclada ay mutaysatay la siiyo, cida Shidaalka keenaysa laguma aamini karo, waayo Shidaalka ugu jaban ayey keensanayaan, hadhawna gawaadhidii ayaa wada xanibmaya, oo dhibaato badan ayaa ka iman karta, imikana waxa la inoo keenaa oo intooda badan dibada laga soo dajiya wax ugu jaban ee ay awoodi karayeen, sida Dawooyinka qaarkood ee danbaska laga soo buuxiyey,marka in la inoo soo bixiyo wax aynaan u baahnayn oo gawaadhida inaga dila looma baahna, dadkuna tu ka taxadirayaa waa taas.

 

 

Dawladda madaama uu wakhtigeedii dhamaaday, oo sharcigeedii dhamaaday, inay arimo waaweyn oo noocaas oo kale may ahayn, ee kolay Dawlad cusubi timaaado  inay taladeeda yeelato ayey ku fiican tahay. Haamaha sida ay imika yihiin ee ay dibada wada saaran yihiin waa la soo garaaci karaa, waa la qarxin karaa, markaas wixii kayd ah inay dhulka hoostiisa la dhigo oo la xafido, ayey ku fiican tahay, nolshiinii ayaa ku xidhan, waayo haddii la garaaco, oo la qarixiyo Haamaha meel aynu wax u doonano sida lagu helaa  wey adag tahay.

 

 

Ta kale Somaliya weynu is haysanaa goor ay noqotaba, weynu kala go’aynaa wax aynu wada yeelaynaynaa ma jirto, waa Rag riyoonaya, oo wixii shalay dhacay aan dhaadayn, markaas Somaliya weynu is huranay, ee intii aynu u diyaar garoobi karno in aynu  u diiyaar garoowno ayey ku fiican tahay, Haamahana qaarkood Kayd dhulka hoostiisa la dhigo wey ku fiican tahay, waana in la sameeya oo Dawladdu sameeysaa, Dhalinyartan Jaamacadaha ka soo baxaysa, iyo Dhalinyaradan Dugsiyada sare ka soo baxaya ee Jaamacadaha waayeysa waa in la qoraa National Service, oo loo diyaar garoowaa ta xun, ta wanaagsani waxba kuma yeeshe, Somaliya niiqniiqdeedii ayaa  badataye, horena weynu u ogayn waxa ay inagu sameeysee oo waa taas ilaa imika Xabaal wadareedadii la soo qodayo, dhaayihii  shalayna inaynu ilawno markiiba maaha,Nin lacag doon ah oo Shidaalka ugu jaban soo iibsanaya Hamaha laguma halayn karo, Dawladduna mudnaanta ay Haamuhu leeyihiin ha xasuusnaato”

 

 

Maxamed Xaashi oo is barbar dhig ku sameeyey Xukuumadan iyo Xukuumadii hore ayaa yidhi “Labaduba dambiyo ayey ka galeen, oo Umadda ayey labada Xukuumadoodba dambiyo ka galeen, Hantida Qaranka sharci baa lagu bixin karaa, waana loo siman yahay, hebel baan doonaya ee waxaas aqaanto caqli maaha, Xukuumaddii Xukuumadan ka horeeysay waxa ay ku xidhay  xaalada haddii aad faqi doontaan,wareejiskii ayaan idin siinayn, waxa markiiba soo baxday inay Dawladdu raali ka tahay, wixii la lunsado, oo iyana halkii ayey ka wadeen, kuwa imanayaana xalaadaaas ayey ku xidhi oo kuwaas imanaya waxa la arki doonaa iyaga oo leh wixii hore inaga dhaafa, hantadii Umadduna sidaas ayey ku soconaysaa, inta  uu  nidaamkani jiro”.

 

 

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale ka digay ka hadlay Cadaalada, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyey Guddoomiyaha Maxkamada sare oo uu sheegay inuu xilkiisa si fiican u gudanayo, waxa uu ka digay qabyaalada waxaanu bogaadin u soo jeediyey Cabdikariin Axmed Mooge, oo uu sheegay inuu aad ugu mahadnaqayo maadaama uu ka gilgilashay una kacay inuu ku dhiirado sidii uu ula dagaalami lahaa Qabyaalada.

 

Source: Geeska Afrika