“Maxamed-rashiid wuxuu ku suntanaa inuu is bar-bar taagay xoriyadda hadalka mar dadka badankiisu ay ku keliyeeyeen.” – XARUNTA XUQUUQAL IINSAANKA

HRCHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee Hargeysa, Guuleed Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay shakhsiyaaddii iyo Sida uu Xorriyatul-Qawlka ugu dagaalami jiray Alle ha u naxariistee Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Guuleed, ayaa u qornaa sidan: “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskii iyo asxaabtii Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeryooday Kenya. Aad baanu uga naxnay markaanu maqalay geerida suxufigan wayn oo ahaa nin u halgama xuquuqda hadalka. Maxamed oo ahaa Xogahiyiii ururka suxufiyiinta ee SOLJA wuxuu ku suntanaa inuu is bar bar taagay xoriyadda hadalka mar dadka badankiisu ay ku keliyeeyeen.

Wuxuu ahaa naf wanaagsan, geesi ah oo si adag u wajaha wuxuu doonayo. Wuxuu is-barbar taagay suxufiyiin waqti adag ku jirta, mar qudhana muu joojin halgankiisa ilaa intii naftu ka baxaysay.

Waxannu Eebe uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo, qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo.”