Maxamed Mooge Readers Club Oo Caawa Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Naadi akhris oo cusub laguna magacaabo Maxamed Mooge Readers Club, ayaa caawa lagaga dhawaaqay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xafladda lagu daahfurayay naadiga oo lagu qabtay xarunta Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay qoraayaal, maamulka iskuulka, hal-abuuro iyo dhalinyaro aad u tiro badan.

Maxamed Mooge Readers Club (3)

Guddoomiyaha naadiga akhriska ee Maxamed Mooge Readers Axmed Cali Xirsi oo halkaa ka hadlay, ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey guud ahaan ka soo qaybgalayaashii sida daahfurka naadiga.

“Ujeedada aynu halkan u joognaa waa daah-furka naadiga akhriska Maxamed Mooge readers club, waxaana asaasay dhalinyaro dareentay baahida loo qabo wax akhriska, iyaga oo dareemay in loo baahan yahay madal ay aqoonyahanku ku soo bandhigaan aqoontooda.” Ayuu yidhi Axmed Cali Xirsi.

Maxamed Mooge Readers Club (6)

Waxa uu xusay in naadigu yahay meel dhalinyarada u sahasha inay aqoon ka korodhsadaan. “Naadigu waxa uu qaban doonaa bandhigyo iyo maxaadiyoorin aqoon iswaydaarsi ah . Waxa aynu doonaynaa in sida cuntada loogu gaajoodo in akhriska loogu gaajoodo.” Ayuu yidhi Axmed Cali Xirsi.

Waxa uu dadka ka codsaday inay ka qaybqaataan fidinta akhriska iyo hawlaha kala duwan ee kor loogu qaadayo horumarinta naadiga, isaga oo tilmaamay inay casuumi doonaan qoraayaasha iyo dad kale ee aqoonyahanka ah ee khudbadaha aqoonta ah soo bandhigaya.

Maxamed Mooge Readers Club (1)

“Sababta magacan Maxamed Mooge loo doortay waxa weeye in la soo nooleeyo magacyadaa dadka halyeeyada ah, waana shakhsi isku darsatay arrimo badan oo ay ka mid yihiin macallinimo, halgan iyo doorkii fanka.” Ayuu yidhi guddoomiya Axmed Cali Xirsi.

Maxamed Mooge Readers Club (5)

Axmed Cali Balayax oo ah mamulaha Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Xaqiiqo ahaan akhrisku waa waxa lagu kasto aqoonta, waana aad soo wada marten qaabka uu aqoonta u kordhiyo.”

Maxamed Mooge Readers Club (11)

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxa aan odhan lahaa way fiican tahay in naadiyo badan la furo, waxaanse odhan lahaa naadiga la furayaa yaanu noqon mid magac ahaan u jira. Waxaaana aan filayaa inuu meesha ka soo baxo naadi firfircoon oo abuuri kara dad wax akhriya.”

“Idinka ayaa la idinka idinka rabaa inaad dhalinyarada ka badbaadisaan qaadka oo aad wax akhriska u weecisaan. Waxa la idinka rabaa inaad daadihisaan naadiga.” Ayuu yidhi Axmed Cali Balayax.

Maxamed Mooge Readers Club (7)

Qoraa Maxamed Xirsi Guuleed oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa hambalyo ujeediyey naadiga akhriska ee Maxamed Mooge Readers club, “Naadiyada akhrisku waxa sameeyaan madal aqoon is waydaarsi.” Ayuu yidhi Maxamed Xirsi.

Waxa uu intaa caariyey oo uu yidhi “Waxaana aan idinka codsanayaa waa inaad dadka sintaan oo dhiirigelisaan, waana inaad dhalinyarada dugsiyada sare keentaa iyo weliba dhalinyarada kale.” Ayuu yidhi Maxamed.

Waxa isna halkaa ka hadlay Qoraa Boobe Yuusuf  Ducaale oo hamabyo u jeediyey bahda naadiga akhriska ee Maxamed Mooge Readers Club, isaga oo ku dhiirigeliyey dhalinyarada inay ka dhabeenyaan magaca ay qaateen ee Maxamed Mooge. “Maxamed Mooge isaga oo London jooga ayaau naarta soo galay, waxaana uu markii ugu horraysay  ku soo biiray jabhaddii SSDF-ta taas oo uu haysatay nin ka daran kii uu ka cararay ee Maxamed Siyaasad Barre oo ahaa Cabdilaahi Yuusuf. ”  ayuu yidhi Boobe oo ku dheeraaday taariikhdii qaaliga ahayd ee Maxame Mooge. “Inta aad hadlaysaan ee aad meelahaas fadhidaan ee aad fiisayaasha sugaysaan wax akhriya.” Ayuu yidhi Boose Yuusuf Ducaale.

Maxamed Mooge Readers Club (9)

“Markaa wakhtiga ayaan is dhaafinayaa oo meel ayaan iska fadhiyaa oo ciyaar ayaad ka sheekaynaysaan maa wax loo baahan yahay. Waxa aan hadalka kaga baxayaa daqiiqad wakhtigiina ka mid ahi yaanay idin dhaafin, waa inaad wakhtiga ka faa’idaysataan.”

Qoraa Boore waxas uu naadida ku wareejiyey 5 boog deellay ah, 10 buug diwaankii Timacadde ah iyo 5 buug oo dhaxal-dheer ah.

Cabdkariim Axmed Mooge oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday mumiimadda uu akhriska iyo qoraalku leeyahay. “Qofka beni’aadamku inuu wax khriyo waxa ay ka caawisaa inuu wax xasuusto, inta aad wax akhrido ayay kelmaaha aad isticmaalaysaa noqonayaan.” Ayuu yidhi Cabdikadiim Axmed Mooge. Waxa uu intaa raaciyey “Wax akhrisku wax uu kaa caawinayaa inaad aqoontaa gudbiso iyo weliba inaad hal-abuur yeelato.”

“Haddii uu qofku balwad ka dhigto wax akhtiska, faa’ido badan ayaa ku jirta oo uu ka helayaa. Arrin kale ayaa iyana meesha ku jirta oo aan doonayo inaad la tagtaan waxa weeye qof kasta oo idinka mid ahi buug ayuu hayaa ee marka aad akhrido wareeji oo si dadku kuula faa’idaystaan.”

 Maxamed Mooge Readers Club (10)

Waxa uu Cabdikaxiim si kooban uga hadlay taariikhdii Maxamed Mooge, “Maxamed Mooge waxa uu u dhintay mushkilad haysatay ummada Soomaaliyeed, isaga oo doonayay inuu habeenkan oo kale aynu gaadhno. Waxa aan xasuustaa Mooge Liibaan oo da’ ah ayaa waxa noo dheeraa guri daaqadihiisa la iska dhegaysto, iyada oo gaadhi uu lahaa awoowo oo uu noogu shaqayn jiray in mar kasta la xidhi jiray. Maxamed Mooge waa ninka aabihii oo 70 jir an ku simay inuu shaqeeyo isaga oo idinka naftiisa u huray.”

“Waxa aaan hubaa inaanu adeerkay iska dhiman. Haddii aad magacaa qaadateen xil ayaa idin saaran waana abaal aad celinaysaan.” Ayuu yidhi Cabdikariim Axmed Mooge.

Waxaana uu hadalkiisa ku so oaf-meeray oo uu yidhi “Waxa aan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa nimayow aynu warwareega yaraysanno, oo naadigu yaanu halkan ku eekaan ee waa inuu dooxa ka tallaabaa oo dadku waa inay is dhex galaan oo buugga yaala Galacan libaax waa inuu halkan yimaado.”

 Maxamed Mooge Readers Club (8)

Guddoomiyaha naadiga akhriska ee Timade Readers Club Mahdi Sheekh Cabdi oo isna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Maxamed Mooge Readers club waxa uu noqoayaa naadigii tobnaad ee waddanka lagaga dhawaaqo.”

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxa aynu naadiyada u samaynnay inay ku bedelno dhaqankii awoowyaasheen ee hadal wax isgu soo gaadhsiinta.”

Maxamed Mooge Readers Club (2)

Waxa iyadna halkaa ka hadashay Xamda Xuseen Axmed oo ah madaxa maktabada Maxamud Axmed Cali, oo sheegtay inay maktabada ahaan door weyn ka qaadanayaan horumarinta naadiga, isla markaana waxa ay tilmaamay in maktabada ay asaaseen koox dhalinyaro ah oo ka damqatay baahida dhalinyarada ee ah in loo sameeyo meel wax lagu akhristo, isla markaana waxa ay xustay inay hagan dheer u soo galeen taabbo-gelinta maktabada.

Mustafe Cabdihaali Xasan oo ka mid ah ururka Guryasamo oo isna madasha ka hadlay, ayaa halkaa ka soo jeediyey hadalo dhinacyo kala duwan taabanaya isaga oo asaasayaasha naadiga kula daraarmay inaanay ka caajisin dadaalka ay ku hawlan yihiin.

Maxamed Mooge Readers Club

Waxaana uu halkaa talooyin uga soo jeediyey qoraayaashii iyo dhalinyaradii xaflada ka soo qaybgasjhay, “Qoraayaasha waxa aan leeyahay dhalinyarada taageerada oo la shaqeeya oo meel kasta ugu taga. Qoraayadaw waad ku mahadsan tihiin qoraalada aad noo soo saartaan, waxa aan idin leeyahay hayaanka wada oo dhalinyarada la shaqeeya.” Ayuu yidhi Mustafe.

Maxamed Mooge Readers Club (4)

Maxamed Cabdi Maxamed oo isna ka mid ah ururka HYVO oo halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay in maktabada xarunta u ah naadiga arkhtiska inay wada shaqayn fiican ka dhexayso, isaga oo xusay inay door weyn ka qaataan hawlaha wacyigelinta wax akhriska.  “Waxa loo baahan yahay aqoonta iyo fikradaha dadka ku dhex jira in laga faa’idaysto.” Ayuu yidhi Maxamed.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com

somalilandpost@yahoo.com