Maxamed Cali: Haldoorkii muslimka iyo halyeygii mareegta feedhka

mMahammed Cali Kalay waxa uu dhashay sannadkii January 17, 1942 . maxamed waxa uu ku dhashay kuna kacaamay yaraantiisii dalka maraykanka. Waxaa uu ahaa feedhyahan caan ku ahaa xirfadiisa oo dunida oo dhan laga yaqaanno. Maxamed waxa uu ka gaadhay feedhka heerka ugu sarreeya ee loo yaqaan”Heavyweight” taariikhda aadamaha. Mararka qaar waxaa loogu yeedhaa feedhyahankii qarniga. Xirfaddiisa shaqo waxa uu ka qoray buug tiro badan oo ay kamid yihiin:’The Greatest: My own story’, “the soul of the butterfly”

Da’diisa oo 12 sanno ah ayaa uu bilaabay inuu qaato tababarro feedhka ah.

22 jirkiisii waxa uu ku guulaystay feedhyahanka adduunka “world heavyweight championship” waxana uu ka guulaystay Sonny Liston sannadii 1964.

Muddo yar kedib guushaa uu halganka iyo hawlgalka u galay, Maxamed waxaa uu qaatay diinta islaamka. Warkani oo kutiri kuteen ah ayaa ku faafay dalka maraykanka. Waxaa islaamnimadiisa xaqiijiyey oo ku dhawaaqay Malcolm X taariikhdu markay ahayd March 6, 1964.

 

Cassius Clay waa magacii loo yaqaanay islaamnimadiisa ka hor, balse intuu islaamay kedib waxaa loogu yeedhi jiray Maxamed Cali.

April 28, 1967 ayaa lagu wargeliyey inuu ka mid noqon doono ciidamo Maraykana oo  ka dagaalami doona dalka Vietnam. Maxamed oo ahaa nin hal adag, go’aanada uu qaatana ka run sheega ayaa si badheedh ah u diiday ka qayb qaadashada dagaalkaasi, waxa uuna sheegay inaanay diinta islaamka ee uu aaminsanyahay oggolayn in dad aan waxba galabsan lalaayo. Maxamed jeel ayaa loo taxaabay. Guddidii ciyaaraha ee gobolka niyuuyookna (New York State Athletic Commission) waxay ka xannibtay liisankii ciyaaryahanimo, sidoo kalena waxa ay kala wareegtay billadihii iyo suunkii feedhyannimo “heavy weight belt”

Maxamed waxaa la hor geeyey maxkamad, waxaana lagu xukumay shan sanno oo xadhig ah iyo $10,000.

Maxamed Cali waxa uu maxkamadii waxa uu ka qaatay ambiil, xabsigiina waxa lagu sii hayey saddex sanno.

Sannadkii 1970 maxkamadda sare ee New York waxa ay amar ku bixisay in lasii daayo, liisankiisii ciyaarhannimna lasiiyo.

 

Keddib 43 bilood maxamed waxa uu dib ugu soo  noqday  mareegta feedhka (boxing ring) October 26, 1970, waxaana ciyaari dhex martay  Jerry Quarry. Maxamed guul ayuu kala soo hoyday ciyaartaa, taasi oo kor u qaaday sumcaddiisii sii riiqmaysay.

March 8, 1971, Maxamed waxa uu fursad u helay inuu dib u hantiyo feedhyahanka adduunka, isaga oo meesha kasaaray Joe Frazier oo xilligaasi suunka haystay. Ciyaartan dhex martay Joe iyo Maxamed Cali, waxaa lagu magacaabay dagaalkii qarniga” the fight of the century”

Ciyaartaas oo muddo la dhowrayey (sugayey) ayaa uu Maxamed halgan nafhur leh oo biimo ah u galay siduu u noqon lahaa feedhyahanka adduunka, waanu ku guulaystay.

Sumcaddii uu lahaa Maxamed waxa ay gaadhay halkii ugu sarraysay, waxaana loo aqoonsaday feedhyankii qarnigii 20 aad.

 

Maxamed oo guusha la walaal ahi, waxa uu haystaa billado aan tiro lahay, waxa kale oo uu guul kasoo hooyey boqollaal ciyaarood oo heer caalami ah, taasi oo ay dunidu si tuujin iyo taabasho leh uga marag kacday geesinimadiisa.

Ciyaarahaa waxaa ka mid ahaa “ Thrilla in Manila” kaasi oo ku waayi gaadhay mid kamid ah indhiisa.

 

February 15, 1978 Maxamed waxa uu ciyaar qadhaadh la galay Leon Spinks.

Keddib 15 wareeg oo la ismari la’aa, waxaa guushii raacday Maxamed Cali, waxana uu ahaa ninka keli ah ee saddex jeer noqday feedhyahanka adduunka.

 

Sannadkii 1979, Maxamed Cali waxa uu caddeeyey inuu hawlgab yahay oo ku fadhiisan doono ciyaaraha.

Horraantii siddeetamaadkii ayaa Maxamed Cali laga helay xanuunka Parkinson’s syndrome. Feedhadhkii faraha badnaa ee madaxa kaga dhici jiray ayaa ku keenay xanuuunka oo badiba laga dereemijiray marka uu warramyo. Xanuunkani muu noqon mid curyaamiya noloshiisa, ee waxa uu Maxamed sii watay ka midho dhalinta yoolalka laabta iyo lubbiga uu ku hayey.

 

Maxamed muu ahayn ciyaaryahan keli ah ee waxa uu ahaa diblomaasi, xillligii uu socday dagaalkii gacanka, waxa uu Saddaam Xusseen kula kulmay Baqdaad, oo uu ka dalbaday in loosii daayo ciidamo marayka ah oo Ciraaq lagu hayey, waana laga aqbalay.

November 17, 2002 Maxamed oo ahaa nabaddoon ka socda Qaramada Midoobay ayaa ka dagay dalka Afghnistan, halkaasi oo uu dadka reer Afghnistan ugu baaqay inay dalkooda nabadeeyaan.

 

Waqtigu wuxuu is guraba, ninba maalinbay tiisa noqotaaye, Maxamed waxaa tii Alle u timid June 3, 2016, isaga oo ku sugan Scottsdale, Arizona, United States.

Maxamed waxa uu ahaa 74 jir, waxa uu guursaday afar haween ah, oo Alle ka siiyey 2 wiil iyo 7 gabdhood.

 

Maxaa lagu xasuusan doonaa Maxamed Cali Kalaay?

 

  1. Maxamed Cali kalay waxa uu sannadkii 1964 feedh la ciyaaray; ninkii horyaalka feedhka haysan jiray ee aadka looga baqi jiray Sonny Liston. Maxamed ciyaartaa wuu kaga guulaystay oo waxa uu noqday ninka u haysta ciyaarta feedhka culus. Isla sannadkaa uu guulaystay Maxamed waxa uu la kulmay Capn Sam oo ahaa iimaam ka tirsan Nation of Islam ee masjidka magaalada Miami. Capn Sam waxa uu isbaray Maxamed Cali iyo Malcolm X oo ahaa agaasimihii Nation of Islam.

Wixii intaa ka danbeeyey Maxamed cali waxa uu qaatay diinta islaamka oo uu ku faani jiray. Taageerayaal badanna waxay la qaateen diinta islaamka xilliyo kala duwan.

 

  1. Janaasadii Maxamed Cali oo Khamiistii -9 June- ka dhacday magaalada Louisville, waxaa kasoo kasoo qayb galay dad kor u dhaafay 18,000.

Dadka caanka ah ee janaasadiisa kasoo qayb galay waxaa kamid ahaa; madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, Boqor Cabdallaha II ee Jordan iyo madax kaloo badan.

Obama oo ka hadlay geeridan naxdinta leh ayaa TV –ga ka yidhi: “This week we lost an icon. A person who for African Americans, I think, liberated their minds in recognising that they could be proud of who they were”

“wiigan waxaa innaga baxay qof sumacad dhexdeena kuleh. Qof afrikaan maraykan ah;  oo xoreeyey quluub aan aaminsanayn inay ku faani karaan cidda ay yihiin”

 

  1. Sannadkii 1967 kii oo ahayd dhawr sanno kedib markii uu ku guulaystay horyaalka feedhka adduunka; ayaa Maxamed diiday shaqo qaranku u igmaday oo ahayd inuu ka dagaallamo Vietnam.

Maxamed si cad ayuu u diiday inuu ka qaybqaato dagaalkaa, dawlada Maraykanku waxay ka cabsi qabtay in dad badan oo kale diidaan maadaama oo Maxamed Cali yahay shakhsi caan ah. siday hore usoo xusnayna waxa lagala wareegay billadihii iyo liisankii ciyaaraha. Maxamed racfaan ayuu qaatay maxkamaddii.

Fagaareyaal badan ayaa uu khudbado ka jeedin jiray waxaana ka mid ahaa ereyadii xuska iyo xusuusta dunida aan ka maydhmidoonin ee uu ka yidhi markii la waydiiyey sababta uu ku diiday shaqadii qaranka: “waxaa ay ii weydiisanayaan inaan dirayska ciidamada xidho oo aan tago dhul dalkayga u jira 10 kun oo Mayl, kadibna aan bambooyin iyo rasaas la soo dhaco dad maarriin ah oo jooga dhulkoodii Vietnam, iyada oo aan ogahay in dadka loo bixiyey Nigarooga ee ku noola magaalada aan u dhashay ee Louisville loola dhaqmo sida eyda, loona diiday xuquuqdii bani’aadamnimo ee ay lahaayeen, Ma’ Tegeyo, dhul 10 kun oo Mayl dalkayga u jira, si aan u caawiyo gumaadka iyo gubidda ummad kale oo masaakin ah, iyada oo aan u socdo keliya in aan kor yeelo saldanadda iyo sarraynta ninka cad ee u ordaya in uu madowga dunida oo dhan adoonsado. Maanta, waa maalintii sharkaasi dhammaan lahaa.”

 

  1. Maxamed Cali waxa uu ahaa nin aad u dhaqan fiican oo ilaahay isku xidha. Maalin ayaa weriye waraysanyey weydiiyey: “malleedahay ilaalo(body guard)?”

Maxamed ayaa ku jawaabay sidan:”Haa, waxaan leeyahay hal ilaalo. Wuu i maqlaa, wuu i arkaa oo qalbigaygana wuu daalacdaa, kaasina waa ilaahay, waana kan adiga iyo anigaba inna ilaaliya. Waa Allaha weyn ee xigmada badan”1

 

Maxamed waxa uu masraxyada ka faafin jiray diinta islaamka iyo jiritaanka awoodda Alle. Maalin isaga oo masrax kummanaan dadi isugu yimaadeen ka khudbadaynaya ayaa uu dadkii ka codsaday inay gacanta taagan inta qof een rumaysnayn in ilaahay dunidan abuuray. Waxaa gacanta taagay dad badan oo meesha fadhiyey. Maxamed waxa uu soo qaaday koob horyaalay oo biyo ku jiraan, waxaanu yidhi: “hadii aan idhaa koobkani warshadi may samaynin ee wuu iska samaysmay amma dhismahan aynu ku jirnaa wuu iska samaysmay, waxaad odhan doontaan Maxamed Cali wax badan ayaa ka qaldan. Sideebaan u odhan karnaa meerayaasha iyo cadceedu way iska samaysmeen. Meereyaal iska samaysmay ma jiraan balse xaqiiqdu waa in ilaahay abuuray…….”

 

Maxamed Cali oo maalin khudbadaynaya ayaa ka warramay sida uu dembiga isaga ilaaliyo. Waxaana uu yidhi: “runtii, sigaar cab ma ihi, balse jeebka waxaan ku qaataa leetar(taraq). Markaan ogaado inay naftaydu xaga dembiga usii socoto ayaan leetarka gacanta iskaga qabtaa(gubaa). Markaan xanuunka u adkaysan waayana waxaan naftayda ku idhaa: Maxamed kulka leetarkan uma adkaysan kartid ee sideed ugu adkaysan kartaa kulaylka naarta. Dabadeed waan ka joogsadaa xumaanta aan u tafo xayto inaan sameeyo”

 

  1. Maxamed waxaa lagu xasuusan doonaa xikmadihii kasoo burqan jiray afkiiisa xilliyada waraysiyada iyo khudbadaha. Wuxuu lahaa ereyo qiimo iyo qaayo badan, waxaana ka mid ahaa:

“haddii maskaxdaydu dihato fikir, qalbigayguna rumeeyo ogow inaad gaadhi karto”

“u noolow maalin kasta, sidooy tahay maalintii kuugu dambaysay”

“ninka dhibaato u muuqato isagoo 20 jir ah, isla 50 jirkiisiina siduu uun ula muuqato, ogow 30 sanno ayaa ka lumay”

“dagaalku farxad male, balse dagaaladayda ayaa iga farxiya markaan guulaysto”

“kalmadda islaam waa nabad, kalmadda muslinna waa qof alle isku dhiibay, iyadoo sidaas ah ayaa saxaafadda galbeed nagasoo qaadaa dad nacayb u saaxiib ah”

“noqon maayo waxaad doonaysaan inaan noqdo balse waxaan janto ayaan noqonayaa” iyo qaar kaloo badan.

 

Alle ha u naxariisto halyey Maxamed Cali Kalaay oo maanta oo jimce ah sitoosa loogu aasay magaalada Louisville, halkaasi oo uu kusoo koray xilli uu midab takoor ba’ani ka jiray Maraykanka.

 

DHAMMAAD

 

halkan ka daawo waraysigaa: https://www.youtube.com/watch?v=GYU6o0OSlGM.