Maxamed Biixi Yoonis Oo Taageerayaashiisa U Sheegay Inuu Imaatinkii Ka Baaqday

Hargyesa(SLpost)-Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah murashixiintii u tartamaysay xisbiga KULMIYE balse qaadacay shirkii golaha dhexe oo mudooyinkii udambeeyey dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa baajiyey soo dhowayntii ay u qaban qaabiyeen taageerayaashiisa dalka ku sugani loona ballansanaa khamiista inagu soo aadan maadaama sida uu sheegay uu ku soo beegmay aaska alle ha u naxariistee Abwaan Cali Sugule (Dun-carbeed) oo todobaadkan ku geeriyooday dalka Imaaraadka carabta, khamiistana lagu aasi doono magaalada Hargeysa.

Maxamed Biixi ayaa sidaas sheegay mar uu la soo xidhiidhay wargayska Somalilandtoday, waxaana uu taageerayaashiisa ugu baaqay inay ka qaybgalaan aaska marxuumka oo khamiistan loo dareeri doono. Isagoo arrinkaas ka hadlaya ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis:

“Waan uga mahadnaqaya cid kasta oo jeclayd inay i soo dhowayso, balse maadaama uu khamiista bari ah dhici doono aaska abwaan wayn oo dalka caanka ahaa qarankana jeclaa waxaan taageerayaashayda ku wargalinayaa inaan soo dhowayntaydii u baajiyey ka qaybgalka aaska Abwaan Dun-carbeed, waxaanan taageerayaasha iyo cid kasta oo I soo dhowaynaysay ugu baaqayaa inay ka qaybgalaan aaska Marxuum Abwaan Cali Sugule. Waad Mahadsantihiin”.