MAXAMED AW SICIID GEEDI: Ganacsade Hal-Abuurnimo Iyo Saameyn Leh Oo Kalsooni Ku Qaba Naftiisa

ina-aw-siciidGanacsade Maxamed Aw Siciid Geedi Waa Ganacsade Halabuur ah oo Kalsooni Ku Qaba Naftiisa Islamarkaana aan Laheyn Anaaniyad iyo Kali Doonis, Waxaanu Kamid yahay Ragga Ganacsatada ah ee Dhif iyo Naadirka ku ah Ganacsatada Soomaalida ee Iska Ilaaliya Dhididka Shaqaalahooda iyo in ay Dulmi u Geystaan Sidaa Daraadeedna Xurmo Mariya Xaqooda iyo Dheeraadna Siiya.

 

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, Waxa uu Kamid Yahey Ganacsatada Soomaalida Ragga ugu  Sikhiga badan ee Ka Warhaya Dadka Inta Hantida ka Fara baxdey, Inta Baahan iyo Danyarta ah. Waxa uu Kamid Yahey Dadka aan iibsan Masiirkooda iyo Aragtidooda ee Calool Adeyg iyo Karti iyo Alla Aamin ugu Badheedha Arrimo badan oo Ragga Lamidka ahi Ka Baqaan ama Adduun Ku baayacaan, Waana Ganacsade Alla Aamin ah oo Ay ka Muuqato in uu Hantidiisa Isagu Leeyahey ee aaney Hantidu Laheyn oo aaney Wajiyo Badan iyo Maalinba Cayn ka Dhigin.

 

Hadaynu Hoos ugu Dhaadhacno, Arrimaha Khusuusiga ah ee Muranka Maalmihii u Dambeeyay iyo Dagaalkii Been-Abuurka ahaa ee Farxaan Xaaji Cali ugu Adeegsadey Warbaahintiisa Horncabletv ee uu Ku Toojargareeyo Hadba Marka uu Dan ku gaadayo, Waxey aheyd Been abuur Qaawan, gef iyo Meel ka dhac aan Geedna loogu soo Gaban. Xaqiiqdii Soomaalida oo dhan ayaa Aqoon u leh Labada Qof ee ay Kala yihiin Maxamed Aw Siciid iyo Farxaan Xaaji Cali, Mana Noqon Karaan Laba Qof oo Isku Damiir ah iyo Laba Qof oo La maseyn Karro Mana heli Karo Dadnimada iyo Dunta uu u Dhashey Maxamed Aw Siciid Geedi iyo Waliba Sida uu Dadka iyo Dalka Reer Somaliland u beertay, “Wax La Beerto Dadbaa Ugu Qaalisan” ayuu isagu joogaa Xaqiiqdiina Halka Farxaan ka Taagan Yahey “Tacab Ba’ay Beeruun Ma aha” ee uu Dad iyo Dalba kalidii u joogo Maanta Gari go’an Cidlo ah.

 

Sikasta oo ay Tahey Waxa uu Maxamed Siciid Maanta ku odhan lahaa ‘Ha igu Karaamo Seegin Habaar la igu kari Waaye’ Xaqiiqdiina Dalkaa u baahan oo Dadkaa u Baahan Waa Ganacsade Birimagaydo leh .

 

Mohamed Adan Abdi – Hargeysa