Maxaad ku lllowday Aakhiro?! – W/Q: Mukhtaar Bulshaawi

Waxa Mahad Leh Allaha wayn ee Waaxid ka ah i waafajiyay Mawduucan Muhiimka u ah qof wal oo Muslim ah, Walaal waxa aan Naftayda iyo Naftaadaba Kula Dardarmayaa inaad badisid Cabsida Alle, inaad Noqotid Qof Cibaadada Ku Dadaala, inaad noqotid qof Xamdi Naqa oo Shukriya, maxaa kuu diiday Cibaadada ma naftaada ayaad cadaab la jeceshahay, waa Maya, yaanu shaydaanku kaa xoog ronaan iska difaac oo akhriso QURAANKA kariimka ah.

Waxa ka Danbeeya Qabri iyo Hor Istaaga Allah, maxaad la hortagaysaa ma is waydiisa waxa aad la hortagi doonto, maxaad kaga jawaabi doontaa Su’aalaha labada Malag ee kugu iman doona Qabriga, maxaad kaga bixi doontaa cidhiidhiga Qabriga, waxa ku sugaysa nolol ka duwan tan aduunka oo aan la mid ahayn una baahan Sahay, maxaad ka dhigatay sahayda aad qadanaysid ma dheel dheel aduun iyo naftaadu waxay jeceshahay ayaad ka dhigatay Sahayda aad u qaadanaysid akhiradaada, Macaanka iyo dhaldhalaalka aduunku yaanu ku dagin oo aakhiradaada ku seejin.

Cadaabka Alle wuu daran yahay, wuuna adag yahay, bal fikir una fikir si macguul ah adoo ka fikiraaya Aakhiradaada iyo waxa aad u diyaarsatay, Salaadu waa shayga ugu horeeya ee Adoonka laga xisaabin doono, ma tahay Qof aqbala oo ajiiba ‘’ Xaya Cala Salaat, Xaya Calal Falaax’’ ka fikir oo ka fikir waxa aad QABRIGA IYO HOR ISTAAGA ALLE kala kulmi doontid.

Noqo qof toobad keena oo naftiisa dahira, kana daahir yeela dunuubta iyo gefafka inaga dhaca, waayo waxa aynu nahay bini’aadmi oo khalad insaan ayaynu u nahay, Illahayna waxa uu jecel yahay adoomada Toobad keena ee isaga u soo noqda.

Qofka sahay qaata waxa uu helayaa sida Illahay Quraanka kariimka ah inoogu sheegay Janno ay ka buxaan Nimcooyin Alle ku manaystay oo aan dhamanayn daaim ah, marka Quraanka Kariimka ah Jannada uu ka hadlaayo kama dharagaysid macaanka ay leedahay, markaa maxaynu ku diidaynaa ee nafteena sahayda ay u baahan tahay ugu qaadi lanahay, waxa lama huraan ah inaan u dhaqaaqno dhinaca ay inaga xigaan sahay ina anfacaysa oo inagaynaysa Janno inagana badbaadinaysa Cadaab.

Nafta iyo Shaydaanku haday isku kaa bahaystaan waxa aad ku sii dhawanaysaa dariiq hoog iyo halaag ku horseedaya, walaal naftaada ka adkow, Carabkaaga iyo Xubnahaaga Taranka ka adkow waxad gaadhi doonta insha allah guul if iyo aakhiroba ah.

Salaadu waa shayga ugu horeeya ee qofka laga xisaabin doono, sidaas darted, walalayaal salaadu waa macaan, waxa aad dareemaysaa naxariis iyo inaad ku sugan tahay dariiq wanaagsan oo noloshaada danbe u wanaagsan,  salaadu waxa ay ka reebaysaa sida quraanka kariimka ah ku cad Xumaha iyo munkarka, waxa ay kugu ridaysaa wanaag iyo macaan waxayna ku gaynaysaa meesha ay waxwalba ku dhamaystirmaan oo ah Janno.

Gabogabadii, walaal Noloshan Aduunyo waa wax dhamanaaya, waxana danbeeya Xisaab iyo in Alle qof walba ku abaal mariyo wixii uu aduunka ku soo shaqaystay, Illahay ha inaga yeelo kuwa xasuusan akhiradooda oo uu ku abaal mariyo Janno, Naftayda iyo Nafihiinaba walalayaal waxa aan kula dardarmayaa inaad u dhaqaaqdaan khayrka, bal eeg dadka Salaada tukada ee ku xidhan Illahay iyo kuwa ka dheer Cibaadada Alle ee moogan inay dhiman donaan oo loo celin doono Alle xagiisa, waxa aad arkaysaa faraqa wayn ee u dhexeeya iyo nuurka ka baxaaya qofka Illahay ku xidhan, Illahay ha ina waafajiyo Toobada hana inagu sugo Islaamnimo iyo wanaag, Walalayaal wakhti  inagamu tagin Maanta waxa aan haysanaa Fursad aanaynu shalay haysan, waxa aad u soo noqotaa Illahay, waxa aad caawisaa adoomada baahan adoo sadaqo la baxaaya, Walaal Diintu waa macaan, waxayna leedahay dhadhan macaan qofkii Illahay fahamsiiyo Illahay ha ina faahnsiiye, waxan kula dardarmaya dhalinyarada inay Alle u soo noqdaan oo Akhiradooda xasuustaan, waayo qofna ma oga wakhtiga uu dhiman doono iyo wakhtiga uu malagu u iman doono, Illahay khayrku siduu ku jiro ha ina waafajiyo hana inagu simo Toobad saalix ah, Illahay Khaatumada khayr ha inoogu khatimo aamin aamin aamin.

Mukhtaar Cabdi Sheekh Bulshaawi

Mukho4me@hotmail.com